Ra’isul Wasaaraha oo booqasho sharafeed ugu tagay Maqaamka Dhaqanka ee Beesha Mudullood (Sawirro)

Ra’isul Wasaaraha oo booqasho sharafeed ugu tagay Maqaamka Dhaqanka ee Beesha Mudullood (Sawirro)

daajis.com:-Kulankii ugu horreeyey oo hordhac ah ayaa waxa uu dhex maray Ra’isul-wasaaraha Xukuumadda Federalka, C/weli Sheekh Axmed iyo Maqaanka Sare ee Dhaqanka ee Beesha Mudullood.

Kulankaasi ayaa waxa uu ka dhacay Hoyga Imaamka Beesha Mudullood, Islow Maxamed Yuusuf Cali Imaam oo ku yaalla Degmadda C/casiis ee magaalladdan Muqdisho.

Ra’isul-wasaare C/weli Sheekh Axmed oo shalay ka soo laabtay socdaal uu ku tegay dalalka Britain iyo Norway waxa uu markii uu ka soo degay Garoonka Aadan Cadde si toos ah u abaaray Hoyga Imaamka Beesha Mudullood, waxaana si diiran u soo dhaweeyey Xildhibaanadda Barlamaanka ee ka soo jeeda Beesha iyo xubno ka tirsan Odayaasha Dhaqanka.

Ugaas Maxamuud Cali Ugaas Cabdulle oo ka mid ahaa Akhiyaartii ka hadashay qaabilaadaasi ayaa sheegay inay Ra’isul-wasaaraha kaga mahadcelinyaan booqashadda uu ku yimid Hoyga Imaamka Beesha Mudullood.

Xaaji Cabdi Imaan oo isagana ka hadlay qaabilaadaasi waxa uu ugu baaqay Ra’isul-wasaaraha, Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Barlamaanka Federalka inay ka shaqeeyaan caddaaladda.

“Saddexdiina, waxaad tihiin Ilmo Sheekh , waxaana idinka codsanayaa inaad caddaaladda wax ku dhaqdaan” ayuu yiri Xaaji Cabdi Imaan.

Imaamka Beesha Mundullood, Islow Maxamed Yuusuf Cali Imaan oo isagana ka hadlay Kulankaasi, waxa uu sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin inay gogol hordhac u dhigaan Ra’isul-wasaare C/weli Sheekh Axmed, isla markaana ay kulan yeeshaan.

Imaamka waxa uu carrabka ku adkeeyey inay Ra’isul-wasaaraha u dhigi doonaan Gogal Sharafeed Dhamaystiran, si ay uga wada hadlaan qoddobadda danta u ah Qaranka.

Imaamka waxa uu Ra’isul-wasaaraha ka codsaday in ciiddanka dowladda lagu soo fidiyo Deegaannadda ay Beesha deggan tahay, gaar ahaan jidka Deexda ee isku xirta Muqdisho ilaa deegaanadda kale.

Waxa kaloo uu xusay in loo baahan yahay inay Xukuumadda Federalka wax ka qabato dhibaatooyinka haysta Xoogsatadda Dekedda Muqdisho iyo kuwa Kaawooyinka.

Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaanadda Barlamaanka Federalka ee ka soo jeeda Beesha Mundullood, Xildhibaan Sheekh Bashiir Caddow Dheere ayaa isagana ka hadlay, wuxuuna muujiyey Taageerada ay u hayaan Xukuumadda Federalka.

Madasha Kulanka lagu qaabilay Ra’isul-wasaare C/weli Sheekh Axmed waxaa kaloo goobjoog ka ahaa Xildhibaan Cumar Filish, Xildhibaan Cumar Fururug, Xildhibaan Maxamed Shiraar, Muxiyaddiin Xasan Afrax, Maxamed Cabdi Shido, Guddoomiyihii hore ee Gobalka Banaadir, Maxamuud Xasan Cali “Cadde Gaabow”, Xaaji Xuseen Cageey iyo Odayaal kale.

Kulanka uu Ra’isul-wasaaruhu la qaatay Maqaamka Sare ee Beesha Munullood iyo Xildhibaannadda ka soo jeeda Beeshaasi ayaa waxa uu ku soo beegmay xilli uu Khilaaf xooggan ka dhex aloosan yahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’isul-wasaare C/weli Sheekh Axmed.

Xeeldheerayaasha ayaa ku fasiray socdaalka Ra’isul-wasaaraha kula kulmay Odayaasha Dhaqanka iyo Xildhibaanadda Beesha Mudullood ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ka dhashay inay u muuqato Dhoolatus Siyaasadeed iyo inuu isku muujiyo inuu yahay Mas’uul jaal dhow la ah Maqaamka Dhaqanka Mudullood.

Mid ka mid ah Aqoonyahannadda ayaa sheegay inuu Ra’isul-wasaaruhu taageero ka kasbaday Maqaamka Sare ee Beesha Mudullood, maadaama uu booqasho sharaf ugu tegay fadhigooda, isla markaana uu xilli dheer kulan iyo qado la qaatay.

Siyaasi Dhaqan-yaqaan ah ayaa isagana u arka booqashadaasi mid uu Ra’isul-wasaaruhu guul-siyaasadeed ku kasban karo, waayo waxa uu Maqaamka Mudullood qaabilay isla markii uu ka soo laabtay safarkii uu ku tegay dalalka Britain iyo Norway.

Ma kala cadda sida uu Madaxweynuhu u arko booqashaddaasi iyo fal-celinta uu ka bixin karo, inkastoo la hadal hayo inuu Madaxweynuhu u arko inay Odayaasha Beeshiisa ka galeen godob-siyaasadeed iyo mid dhaqan, maadaama ay Ra’isul-wasaaraha u dhigeen gogol sharafeed uu shaqsi ahaan isaga marnaba kala kulmin Maqaamka Sare ee Beesha Mudullood.








FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada