Wafdi uu hogaaminayo Siyaasiga Maxamuud Sayid Aadan oo gaaray Garbahaarey

Wafdi uu hogaaminayo Siyaasiga Maxamuud Sayid Aadan oo gaaray Garbahaarey

daajis.com:- Wafdi uu hogaaminayo Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Koofur galbeed ee lixda Gobol Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta gaaray magaalada Garbahaarey, halkaasoo lagu wado inuu ka furmo shir wada tashi.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa ku biiray siyaasiyiin, aqoonyahano iyo mas’uuliyiin ka soo jeeda Gobolka Gedo oo shir looga hadlayo aayaha Gobolkaas ku yeelanaya Garbahaarey.

Wafdiga uu hogaaminayay Maxamuud Sayid Aadan oo ka soo kicitimay magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Garbahaarey Mas’uuliyiin, qeybaha kala duwan ee bulshada iyo saraakiil ciidan.

Maxamuud Sayid Aaden oo Saxaafadda kula hadlay garoonka Garbahaarey ayaa sheegay ujeedka uu Garbahaarey usoo gaaray inay tahay ka qeyb galka shirweynaha Midnimo One ee dhawaan ka furmi doonna magaalada, waxana uu rajo ka muujiyay qodobo la isku raacsan yahay oo hagi doona siyaasada gobolka in ay kasoo bixi doonaan shirka.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay in Garbahaarey dadkeedii maanta nasoo dhaweeyaan, waxaan u nimid baaqiinii midnimo, waxaan u mahadcelinayaa dadkii soo agaasimay go-goshan midnimo One, dadka reer Gedo iyo bulshada kale waxaan ugu baaqayaa in ay midnimada ka shaqeeyaan” ayuu yiri Maxamuud Saydi Aaden oo dhinaca kale tilmaamay ahmiyad gaar ah in uu shirkani u leeyahay isaga.

Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in magaalada Garbahaarey ka furmo shir wada tashi oo looga hadlayo aayaha Gobolka Gedo, iyadoo ergooyin ka kala socota dalka gudihiisa iyo dibadiisa ay gaareen.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada