DAAWO SAWIRADA:- Mid ka mid ah qoyska reer boqor ee Sacuudi Carabiya iyo Gabar u dhalatay Imaaraadka oo ka mid ahaa duuliyaashii duqeeyay ISIS

DAAWO SAWIRADA:- Mid ka mid ah qoyska reer boqor ee Sacuudi Carabiya iyo Gabar u dhalatay Imaaraadka oo ka mid ahaa duuliyaashii duqeeyay ISIS

daajis.com:- Mid kamid ah amiirada leh dhaxalka boqortoyada Sacudi Carabiya Amiir Kahled bin Salman ayaa ka mid ahaa duuliyaashii ka qeybgalay duqeyntii dhowaan loo geystey xarumaha ururka IS ee dalka Siiriya..

Amiir Khaled bin Salman bin Abdulaziz ayaa sawiro muujinaya isagoo saaran halka laga duuliyo dayuuradaha dagaalka ee loo yaqaan Tornado waxaa lagu soo bandhigay saxaafada boqortoyada Sacudi Carabiya.

Sidoo kale waxaa ka qeybgashay weerarkan gabar u dhalatay wadanka Isutagga Imaaraadka Carabta Maryam Al-Mansouri oo 35 jir ah noqotayna duuliyihii ugu horeeyay ee haween ah ee ka mid noqota duuliyaasha ciidamada cirka wadanka UAE.

Khaled iyo Maryan ayaa waxa ay ka mid ahaayeen duuliyaal ka socday wadamada Sacudi Carabiya, UAE, Jordan, Bahrain, Qatar, France iyo U.S kuwaasoo duqeeyay saldhigyo la sheegay in ay ku lahaayeen dalka Siiriya ururka IS hase yeeshee dowlada Britain ayaa la sheegayaa in saacadaha soo socda ay ku biiri dooto wadamada weerarka cirka ah ku qaadaya ururka IS.

Waxaa jira kumanaan Amiiro ah oo ka soo jeeda qoyska reer Boqor dalka Sacudi Carabiya hase ahaatee Amiir Khaled ayaa ka soo jeeda mid ka mid ah qoysaska waaweyn ee laga tixgeliyo boqortoyada Aabihii waa ku xigeenka ra’iisal wasaaraha iyo wasiirka gaashaandhigga halka uu awowgii uu ahaa boqor.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada