Safaaradda Soomaaliya ee Addis Ababa oo laga qeyliyay

Safaaradda Soomaaliya ee Addis Ababa oo laga qeyliyay

daajis.com:-Soomaalida ku nool magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa cabasho iyo calaacal ka muujiyay lacago xad dhaaf ah oo dadka doonaya warqadaha aqoonsiga Soomaalinimada laga qaado, halka Safaaradda horay lacagahaasi qofkii uu ugu qaadan jiray Baasaboorka, balse aan wax baasaboor ah la bixin iminka.

Qofka weyn iyo qofka yar ayaa warqada aqoonsiga Jinsiyada Soomaalinimada ayaa waxay Safaaradda ay ka qaataa dadka 2500 Birta Itoobiya oo u dhiganta 150 Dollar, taasoo ah mid aad u sareysa, marka loo eego documentiga ay bixineyso Safaaradda, lacagtaasi oo horay ay Safaaradda ku bixin jirtay Baasaboorka.

safaarada-addis-ababaDadka Leemanka ugu xareysan Safaaraddaha Yurub ayaa warqadahaasi laga rabaa, taasoo ah xujo ay safaaradda ugu dhigtay dadka inay iska bixiyaan lacagtaasi u dhiganta 150 dollar.  yar iyo weyn intaba.

Dadka ayaa horay waxaa ay Safaaradda ka qaadan jireen Baasaboorka Soomaaliga, laakiin markii la joojiyay ay Safaaradda bilowday bixinta Warqadaha aqoonsiga.


Dhibaatadan ayaa ah mid adag in laga gudbo, iyadoo baaris Warfaafiye sameysay ku ogaaday in Safiirkii hore uu wadadan u jeexay Soomaalida, isagoo heshiis lasoo galay Safaaraddaha ku yaal Addis Ababa. Markii uu meesha ka baxay Safiirka cusub isna waxaa bilowday in maamulka cusub ay sharcigani sidiisii usii wadaan.

Jaaliyadda Soomaalida ee ku nool Addis Ababa ayaa waxay ka codsadeen Wasaaradda arrimaha dibada in arrintani ay wax ka qabato, maadaama dadku awoodin in hal warqad ku bixiyaan 150 dollar.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:06 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada