War Weligaa Qof aad isku shaqa tihiin ma jeclaatay ?

War Weligaa Qof aad isku shaqa tihiin ma jeclaatay ?

daajis.com:-Shaqti walba oo inaga mid ah waxaa laga waaniyaa inuusan jaceyl la wadaagin qof ay asxaab yihiin,asaxaabta waa leyska ilaaliyaa inaad u qaado dareenada caashaqa,laakin su’aashu waxey tahay sidee u hor istaagi kartaa inaad jaceyl u qaado marka aad maalin walbo uu xiriir shaqo idinka dhexeeyo oo indhihiinu isqabanayaan ? Heer intee la’eg ayaad xakameyn kartaa dareenkaaga?

Hubaal waxaa ogsoonahay qof walbo oo u jidbeysan jaceyl ma awoodo inuu ka fogaado qofka uu rabo,Marka loo eego jaceylka qofka wadashaqeynta idinka dhexeysana waa wax qaas ah, waxeyna ku siisaa dareen sixir ah daqiiqad walba ee ku dhaafta rabitaanka aad qofkaas u qabtana wuu sii weynaadaa.

Makuu cuntamayso  inaad ka fekerto inuu noqon doono dareenkaasi mid aan la taaban karin in la xakameeyo,taasina macnaheedu ma’ahan iney tahay xaqiiq fudud, gaar ahaan marka ay ka dhacdo goobta shaqada,nolosheena gaarka ah waxaan sameynaa wixii aan doono laakin waxaan ku soconaa sharciyo aan la xusi karin sida asaxaabta kale ay uga jawaabayaan horumarka shaqadaada,laga yaabee inuu qofkaas in yar oo dareenkaasi ah kula qabo ama uusanba kuu soo jeedin.

Waxaad diyaar u noqotaa marka sida qof dagaalgalaya ama guul ama guuldaro midkood filo.

Dad badan waxey aaminsan yihiin in fikrad aan la aamini karin ay tahay inaad ku bilowdo qofka asaxaabtaada ,waxeyna bixiyeen sifooyin la xiriira sidee arintaasi ku dhici kartaa ah,ayagoo ka eegaya qalbi jabka kaa soo gaari kara marka laguu deyriyo iyo saameynta ay arintaan ku yeelan karto howlahaaga shaqo,illeen waxaad ku qasbantahay inaad maalinwalbo iska soo horbaxdiine,sidaa darteed ha u ogolaan inaaad laba labadu ay naftaada caqabad hortaagan noqoto.

Lacala hadii ay kuu suurtagasho xitaa waxaa dhici karta adigoon meel fog la gaarin inaad shaqadaas ka tagto hadana ay bilaabato kala fogaansho,islamarkaana aad fursadu isku haleeli weysiin,haseyeeshee jaceylka dhabta ah ma yaqaan geed dheer iyo mid gaabanba waana kan marwalbo aanan ka daalin inuu helo wuxuu rabo.

Wadada ugu fudud eaa inaad ahaato qof toosan oo aanan aqoon laalaab,si toos ah u wajah hadaad ka fursan weydo,inkastoo aaney ku habooneyn goobta shaqada in leysugu soo gudbiyo jaceyl iyo arimaha qaaska u ah noloshaada,gaar ahaan dumar badan waxaa u dhisan riyo ah in amiirkii guursan lahaa uu faras cad ku soo doonto,islamarkaana uu xagooda ka ahaado halyey dadka dhan ku wada qanacsan yihiin.haseyeeshee muhiimadu maahan inaad raadiso faraskii cadaa,laakin waa inaad la soo baxdaa kalsooni&n bsp;dheeri ah oo aad naftaada ku qabto,dumarka aad ayey uga helaan ragga leh shaqsiyad isku filnaansho oo aan la gamban wuxuu rabo


Xusuusnaawna in ragga iyo dumarka sanadahaan dambe ay ku taxan yihiin qisooyinka isbedelka nolosha iyo heerarka ay mareyso sida iney wax badan aqriyaan internetka ama buugaagta jaceylka ama aflaanta.Si aad u soo jiidato qalbiga qof asaxaab aad wada aheydeena waxey kaaga baahan tahay inaad si tartiib tartiib ah uga dhaadhiciso inaad adiga tahay qofka ku haboon ee mustaqbal la dhisi kara,iskana ilaali degdegta, Umuuji sida aad diyaar ugu tahay iyo qaabka ay u egtahay mustaqbalka aad la dam acsan tahay dhawaan

Natiijada dadaalkaaga ma ahan sida aad dadaal dheeri ah usameyso inaad keliya natiijo wanaag ku heli karto, durbaba saaxiibtaa,jaceylku ka yimaada labada dhinac kuma qasbi karyo, waa qalbyo dareen isku gudbiyo mana la qasbi karo,hadii dadaalkaagii badnaa aad ku soo jiidan weyso qalbigaas haku eedeynin saaxiibkaa inuu ku lugooyey.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada