Al-shabaab oo culimo ka tirsan jamaacada Tabliiqa ku xirey gobolka Hiiraan

Al-shabaab oo culimo ka tirsan jamaacada Tabliiqa ku xirey gobolka Hiiraan

daajis.com:-Ururka Al-shabaab ayaa subaxnimadii hore ee maanta Talaado waxa ay xireen wadaado ka tirsan jamaacada  Tabliiqa ee caadadoodu tahay faafinta diinta iyagoo u kala safra Gobolada, Wadaada ayaa ka ambabaxay degmada Buulo Barde ee Gobolka Hiiraan iyagoo isii jeeday tuulooyinka u dhaxeeya Baladweyne iyo Buulo Barde oo ay ka wadeen baraarujinta diinta.

Halka lagu qabtay wadaadadan oo tiradoodu ahayd 9 ayaa lagu magacaabaa Tuulada Halgan oo ay ka taliyaan Ururka Al-shabaab, waxayna ku eedeeyeen wadaadadan in ay yihiin kuwo ka yimid magaalada Buulo Barde loona baahan yahay in xarig la marsiiyo  Al-shabaab ayaa hadalkaas ku tiri odayaal iyo waxgarad u tagay sidii ay uga sii dayn lahaayeen wadaadadan.


Ururka Al-shabaab horay ayuu sidan oo kale waxa uu dhowr jeer leexsaday wadaado Tabliiqa oo ku dhex safrayey deegaamada ay ka taliyaan, iyagoo dhawaan deegaanka Garasyaani ku dilay Saddex ka mida Wadaadada Tabliiqa.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:09 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada