Al Shabaab Oo Xukun Gacan Goyn Ah Ku Fulisay Nin Dhalinyaro Ahaa, Gudaha Degmada Xarardheere

Al Shabaab Oo Xukun Gacan Goyn Ah Ku Fulisay Nin Dhalinyaro Ahaa, Gudaha Degmada Xarardheere

daajis.com:- Ururka Al Shabaab ee ka arrimiya Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug, ayaa xukun gacan-goyn ah ku fuliyay nin dhalinyaro ahaa, ka gadaal markii ay ku eedeeyeen in uu ku kacay fal xatooyo ah.

Qaadiga Maxkamada Ururka Al Shabaab ee Degmada Xarardheere, ayaa Fagaaraha Degmadaasi ka akhriyay shalay galab in Saadiq Cabdi Axmed oo 27 sano jir, uu xilli habeen ah u dhacay guri ku yaala Degmada Xarardheere, isla-markaana uu ka qaatay lacag dhan toban iyo kow milyan, sideed boqol  iyo sideetan kun oo shilin Somali ah (11,880,000sh).

Qaadiga wuxuu sheegay in kolkii baaritaano ay arrintaasi ku sameeyeen  ay ogaadeen in ninkaasi uu geystay falkaan, isla-markaana ay Maxkamadu ku xukuntay in gacanta midigta ah laga gooyo.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Maxkamada ay amartay in Saadiq Cabdi Axmed uu bixiyo hal milyan iyo labaatan kun oo shilin Somali ah, oo ka maqneyd lacagtii uu xaday, oo markii baaritaano la sameeyay laga helay toban milyan, sideed boqol iyo lixdan kun oo shilin Somali ah (10,860,000sh).


Maaha markii ugu horeysay oo Shabaabku ay xukuno noocaanoo kala ah ka fuliyaan deegaanada ay gacanta ku hayaan, iyagoona adeegsada oraahda ay ku caanka baxeen ee ah (Isagaa qirtay).


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:12 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada