Soomaali Canadian ah ka bar bar dagaalamay Daacish oo ku geeriyooday Suuriya

Soomaali Canadian ah ka bar bar dagaalamay Daacish oo ku geeriyooday Suuriya

daajis.com:-Saraakiisha Ammaanka Canada ayaa isku daya xaqiijinta wararka sheegaya in Soomaali Canadian ka bar bar dagaalamayay dowladda Islaamiga ee Ciraaq iyo Suuriya lagu dilay todobaadkii hore waqooyiga Suuriya.

Wiilkan oo lagu magacaabo Mohamud Mohamed Mohamud ayaa la waayay labo bilood ka hor, isagoo hooyadiis taleefan kula soo hadlay, una sheegay inuu la joogo walaalaha, hase ahaatee maalmo ka hor ayaa waxaa soo baxay warar sheegaya in la dilay.

Warar la soo dhigay baraha bulshada ayaa lagu sheegay in wiil Somali Canadian ah uu ku dhintay dagaal dhex marayay Ciidamada Kurdiyiinta iyo ISIS tuulo ku dhow xuduuda Turkiga, inkastoo aan magaciisa la sheegin, balse ruux ay isku fasal ahaan jireen Mr Mohamud ayaa u sheegay Wargeyska National Post in ruuxaas uu yahay Mohamud oo sawirkiisa la soo dhigay baraha bulshada

Mohamud oo ku noolaa magaalada Hamilton ee dalka Canada ayaa da’diisa aheyd 20-sano jir, waxaana aabihii oo dhowaan la hadlay Idaacada VOA uu sheegay in wiilkiisa ku sugan yahay Suuriya, kadib markii uu bishii July uu ka tagay magaalada Minneapolis oo uu soo booqan jiray xilliyada fasaxa ah.

Wiilkan ayaa saaxibadiisa ay u yaqaaneen magaca Mo3, waxaana la sheegay in aanu ka qalin jebin Iskuulkii sare uu dhigan jiray oo lagu magacaabo St. Thomas More Catholic Secondary School.



Mohamud Mohamed Mohamud ayaa ka mid noqonaya dhalinyaro Soomaaliyeed ku biiray kooxda Daacish oo ku geeriyooday dagaalada Suuriya iyo Ciraaq
Mohamud Mohamed Mohamud ayaa ka mid noqonaya dhalinyaro Soomaaliyeed ku biiray kooxda Daacish oo ku geeriyooday dagaalada Suuriya iyo Ciraaq


“Waxaan ka warqabnaa wararka sheegaya in Canadian ka bar bar dagaalamayay kooxda ISIS in la dilay” ayuu yiri John Babcock oo ah Afhayeenka Wasaarada Arrimaha dibada Canada oo sheegay in si dhow ula ula socdeen xaalada Mr Mohamed.

Hadii ay dhab noqoto geeridiisa waxaa uu noqonaya qofkii u horeeyay Canadian oo lagu dilay Suuriya iyo Ciraaq, tan iyo markii uu bilowday ololaha ka dhanka ah ISIS ee Isbaheysiga uu Mareykanka hogaaminayo.

Tiro Jihaadiyiin Canadian ah ayaa ku biiray Kooxda Daacish, waxaana dhowaan beenowday in wiil Soomaali Canadian ahaa oo labo bil ka hor la sheegay inuu geeriyooday uu haatan sheegay inuu nool yahay, kadib markii uu ku dhaawacmay weeraro cirka ah oo Mareykanka ka fuliyay waqooyiga Ciraaq.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada