Xasan ShiiKh oo U Safray Mareekanka{Sawiro}.

Xasan ShiiKh oo U Safray Mareekanka{Sawiro}.

daajis.com:-Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta dalka ka dhoofay.

Madaxweynuhu wuxuu ka qeyb gelayaa shirka Golaha Guud ee Qarammada Midoobay ee New York,  halkaas oo uu ka jeedin doono khudbad ku saabsan horumarka ay Dowladda Soomaaliya ku tallaabsatay iyo howlaha hadda hor yaalla.

Madaxweynuhu inta uu joogo magaalada New York wuxuu kulammo gooni gooni ah la yeelan doonaa qaar ka mid ah Madaxda caalamka ee iyaguna shirkaa ka qeyb gelaya.

Madaxweynaha waxaa sii sagootiyay, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Maxamed Cusmaan Jawaari, ku Simaha Ra’iisal Wasaaraha, Ridwaan Xersi, Wasiirro iyo Taliyayaasha Ciidanka.

Halkaan Ka Daawo Sawirada:





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada