Aqriso:- Dooda Xoogan oo ka dhalatay Sawirada la iska qaado Xiliga Xajka!

Aqriso:- Dooda Xoogan oo ka dhalatay Sawirada la iska qaado Xiliga Xajka!

daajis.com:-Culimada dalka Sucuudiga ayaa sanadkan si weyn uga dooday sawirada ay dadka Xujayda ah iska qaadaan xiligaa ay gudanayaan Xajka.

Xili uu caalamka kusii kordhayo isticmaalka aalada telefonada gacanta (Mobiles) iyo waliba isticmaalkiisa dhanka sawirada ayaa markii ugu horeysay dood ka dhalisay dalka Sucuudiga.

In badan oo kamid ah dadka Xajka gudanaya ayaa iska qaada sawiro xiliyo ay ku sugan yihiin goobaha barakeysan ee lagu cibaadeysto si ay xasuus uga dhigtaan, balse qaar kamid ah culumaa’udiinka dalka Sucuudiga ayaa arrintan ka hadlay, halka qaar kamid ah soo jeediyeen in la mamnuuco isticmaalka sawirada la isaga qaado goobaha barakeysan ee lagu cibaadeysanayo.



Culumadan ayaa qaarkood ku dooday in sawirada la iska qaado muujineyso in Xujayda ay wax kale ku mashquulsan yihiin halkii laga rabay inay xooga saaraan cibaadeysiga, dhinaca kale dad baa qaba in sawirada la iska qaadayo ay keento safaf dhaadheer oo hakad ku keena isu socodka maadaama ay dad badan doonayaan inay iskumar gutaan xajka.


Hase yeeshee qaar kale ayaa aaminsan in aaladaha casriga ah ay wax badan ka bedaleen caalamka isla markaana aan laga xakameyn Karin dadka hadii ay isticmaalayaan, sidoo kale dad badan baa u adeegsada mobilada inay kala socdaan xogta Xajka sida wadooyinka xirma iyo waliba goobaha ay ku sugan yihiin.



Dowlada Sucuudiga ayaa wax badan kusoo kordhisay aaladaha casriga ah ee lagu illaaliyo dhamaan goobaha ay dadka xujayda ah isugu yimaadaan sida Kamerooyinka illaalada iyo waliba telefishinada lagala socdo dhaq dhaqaaqa xujayda, taasi oo ay ku doodeen Xujayda in iyagana aan laga mamnuuci Karin wixii ay doonayaan inay xasuus ahaan u qaataan.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada