Dhalinyaro lagu tuhmayo inay ka tirsanyihiin Al-Shabaab oo la soo bandhigay

Dhalinyaro lagu tuhmayo inay ka tirsanyihiin Al-Shabaab oo la soo bandhigay

daajis.com:- Hay’ada nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka ayaa maanta soo bandhigtay dhalinyaro ay soo qab qabteen ciidamada oo loogu tuhmayo in ay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab.

Dadka la soo bandigay oo tiradoodu gaarayso ilaa iyo sideed qof ayaa lala xiriirinayaa inay ka tirsanyihiin maleeshiyada Al-Shabaab, kuwaasi oo laga dajiyay gaadiid ku soo wajahnaa magaalada Muqdiso.

Ciidamada hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka  Qaranka oo ka howgallaya Waddooyinka laga soo galo caasimadda ayaa maanta Warbaahinta ugu soo bandhigay deegaanka Ceel Cirfiid ee duleedka Muqdisho, dhalinyaro lagu tuhmayo inay ka tirsanyihiin maleeshiyada Al-Shabaab.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Qaranka Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in ciidamadu ay xaqiijinayaan amniga oo ay baaritaanno ka wadaan dadka ka imaanaya gobolada ee ku soo wajahan Gobolka Benaadir.

“Qofkasta oo Soomaaliyeed waxa ay xaq u leedahay inay Muqdisho timaado xilli waliba, Laakiin baaritaanno ku aadan in dadka gaadiidka la socdo la baarayo ay tahay sidii aysan maleeshiyaadka Shabaabku ugu soo dhex dhuuman shacabka, dhalinyarada baaritaano ayaa ku socda, kuwa kalena waxa ay sugayaan damaanad” ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda amniga.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada