Ciidamada X.D.Soomaaliyeed ee ku sugan Magaalada Baraawe (VIDEO)

Ciidamada X.D.Soomaaliyeed ee ku sugan Magaalada Baraawe (VIDEO)

daajis.com:- Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka, Saraakiil ciidan iyo Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose ayaa maanta degmada Baraawe kulan looga hadlayay wada shaqeynta shacabka iyo ciidamada kula qaatay qeybaha bulshada degmadaasi ku nool

Kulanka ayaa abaabduulaha iyo mas’uuliyiinta la socda waxa ay warbixin ka dhageysteen odoyaasha dhaqanka oo ku saabsanaa xaaladda guud ee degmada, waxaana ay ka codsadeen in ciidamada ay xoojiyaan amniga magaalada.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose Cabdiqaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa sheegay in ula jeedka kulanka uu ahaa sidii wada shaqeyn buuxo ay u dhexmari lahayd ciidanka iyo shacabka degmada Baraawe ku dhaqan.

Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Cabdirisaaq Khaliif Cilmi ayaa xusay in ciidamada wada jirka ah ay diyaar u yihiin la shaqeynta shacabka, waxaana uu ka codsaday in ciidanka ay soo gaarsiiyaan qofkasta oo ay u arkaan inay dhibaato ku tahay amniga.





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 12:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada