Madaxwaynaha Dalka Turkiga oo sheegay in kooxda ISIS Duqeyn wax ba looga Qaadi karin .

Madaxwaynaha Dalka Turkiga oo sheegay in kooxda ISIS Duqeyn wax ba looga Qaadi karin .

daajis.com:- Madaxweynaha Turkey-ga, Recep Tayyib Erdogan, ayaa ka digay in magaalada Kobane ee dalka Suuriya ee ku taalla xudduuda Turkiga ay qarka u saaran tahay inay gacanta u gasho dagaalyahanada Dowladda Islaamiga, magaaladaasi oo todobaadyo go’doonsanayd.

Hasayeeshee madaxweyne Erdogan, ayaa sheegay in duqeymaha cirka ah oo kaliya aanan lagu jabin karin kooxda IS.

Isbahaysiga uu horkacayo Mareykanka, ayaa ku qaaday ugu yaraan shan duqeyn oo dhanka cirka ah goobo u dhaw dhaw magaalada oo ay gacanta ku hayaan dagaalyahanada Dowladda Islaamiga ah, weerraradaasi oo waxyeelo gaarsiiyay ama burburiyay dhowr baabuur oo kuwa dagaalka ah.

Dhanka kale dibadbaxayaal Kurdiyiin ah ayaa dalbanayay tallaaba xooggan oo caalami ah oo lagu badbaadinayo magaalada Kobane.

Waddanka Turkiga, dibadbaxayaal ayaa xalay waxa ay isku dhaceen booliska dhowr magaalo oo dalkaasi ka tirsan, dadkaasina waxa ay dalbanayeen in dowladda Turkiga ay gacan siiso xooggaga Kurdiyiinta ah ee la dagaalamayo kooxda IS.

Kooxo kale oo Kurdiyiin ah oo dibadbaxayay ayaa xoog ku galay Baarlamanka Yurub ee magaalada Brussels, iyagoo dalbanaya tallaabo xooggan oo caalami ah.

Sidoo kale waxa ay dibadbaxyo ka jiraan garoonka ugu weyn Britain, ee Heathrow waxana aad looga cabsi qabaa  in dibadbaxaasi uu isku badalo mid Rabshado wata oo khasaaro geysa  iyadoo amaanka garoonka aad loo adkeeyay  oo meel walba koox koox loo taagay askarta iyo sirdoonada dharka cad .

kooxda IS ayaa in mudo ah waxa saarnaa culees dhan ka caalam ka ah maadama  weerero  dhowr ah oo dhanka cirka ah lagu qaaday tan iyo intii uu Mareykanka  dib ugu noqday deegamadasi .

Khabiir  ka faaleeya  dagaalada banaan ka  oo u dhashay dalka mareeykanka ayaa isagu sheegay in kooxdaani aan laga guuleysan karin hadii cirka uun laga duqeeyo  oo aan laysku dayin in dhulka si wanaagsan loogu soo dego balse qorshaha mareyka ayaa 98% waxa  uu yahay mid ku saleesan Duqeenta cirka .




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 12:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada