Daawo:- Bisha Cas ee Imaaraadka oo Hilibka Udxiyada gaarsiisay Qoysas Soomaaliyeed danyar ah

Daawo:- Bisha Cas ee Imaaraadka oo Hilibka Udxiyada gaarsiisay Qoysas Soomaaliyeed danyar ah

daajis.com:- Hay’adda bisha cas ee dowlada isu taga Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya ayaa maanta  u qeybisay kaalmooyin hilibka udxiyada ee sanadkan  2014  in ka badan 2000 ku oo qoysas ku dhaqan kaamaamka barakacayaasha ee magaalada Muqdisho.

Madaxa mashaariicda Imaaraadka Carabta Saciid Cabdala oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in kumanaan qoysas ah ay gaarsiiyeen hilibka Udxiyada.

“Hay’adda bisha cas imaaraadka sida looga bartay, maanta waxa ay ka qeybisay dhowr kaam oo ku yaala caasimada Muqdisho hilibka  ciida weyn ee Adxaa, waxaana ka faa’iideystay qoysas dan yar ah oo gaaraya  2000 oo isugu jira hooyooyin , carruur iyo dad waayeelo ah”ayuu yiri Saciid Cabdalla

Saciid Cabdala ayaa sheegay in kaalmooyinka ay bixiso Bisha Cas ay sii soconayaan, isla markaana ay gar gaar bani’aadanimo gaarsiinayaan meelo badan oo ka mid ah deegaanada ay ka jiraan abaaraha.

Mas’uulkaan ayaa hambalyo ku aadan  ciida u diray madaxda ugu saraysa dowlada Isutaga Imaaradla Carabta sida Sheekh Khalifa Bin sayid Al-Nahyan iyo kuxigeenkiisa Sheikh Maxamed Bin Rashid Ala-Maktuum , Dhaxal sugaha Abu-dubay Sheikh Maxamed Bin Sayid Al-Nahyan iyo dhamaan masuuliinta ugu sareysa dalka soomaaliya iyo shacabka soomaaliyeed meel kasto ay joogaan.

Dhinaca kale waxaa deeeqdaan ka mahad celiyay horjoogaha Kaam ku yaala Degmada Hodon Axmed Warsame Cali iyo sidoo kale dadka danta yar ee madashaas ka soo xaadiray.

Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta ayaa ka wada Soomaaliya howlo isugu jira xaga mashaariicda, horumarinta iyo gar-gaarka bani’aadanimo.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada