Daawo Video:- In Ka Badan 40 Dhalin Yara Ah Oo Ururka Alshabaab Ka Soo Goostay Ciidamada Dawladana Isku Soo Dhiibay

Daawo Video:- In Ka Badan 40 Dhalin Yara Ah Oo Ururka Alshabaab Ka Soo Goostay Ciidamada Dawladana Isku Soo Dhiibay

daajis.com:-Iyadoo Dhawaan Dawlada Soomaliya Sheegtay In Ay Dhalainyarada La Marin Habaabiyay Ee Ka Tirsan Kooxda Alshabaab Ay Siinayaan Mudo Bil Iyo Toban Casha Inay Isku Soo Dhibaan Ayaa Waxaa Maanta In ka Badan 40 shabaab Isu Soo Dhiibeen ciidamada dowlada Soomaaliya.

Dhanka kale Ra’iisal Wasaaraha, ayaa waxa uu marka hore uu guugaabiyay Hawlgalka Badweynta Hindiya (Indian Ocean), oo Ciidamada Dowladda iyo Amisom ay Shabaabka kaga saarayaan dhulka ay ka jooggaan Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha ee Somaliya.



Waxa uu soo hadalqaaday in maalin ka hor ay Dowladdu la wareegtay Degmada Cadale, maantana ay la wareegtay Degmada Baraawe, isla-markaana ay berrito la wareegi doonto Degmada Jamaame, maalinta xigtaana ay qabsan doonto Jilib.

“Maanta waa maalintii 2-aad ee Ciidda, anagana Ciid kale ayay noo tahay, shalay waxaan qabsanay Degmada Cadale, maantana Degmada Baraawe, berrito waxaa qabsan doonaa Degmada Jamaame, maalinta xigtana Degmada Jilib.” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha Somaliya.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada