Daawo Sawirada:- IYo Wararkii ugu dambeeyay Baraawe iyo Ciidamada oo banaanka uga baxay magaalada

Daawo Sawirada:- IYo Wararkii ugu dambeeyay Baraawe iyo Ciidamada oo banaanka uga baxay magaalada

daajis.com:- Xaalada magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa caawa degan, kadib markii maanta ay la wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.


Wararka caawa laga helayo magaalada ayaa sheegaya in Ciidamada ay banaanka uga soo baxeen gudaha magaalada, iyagoo degay dacalka magaalada, gaar ahaan dhulka kor ee bacaadka ku dahaaran magaalada.

Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegaya inay yar tahay shanqarta magaalada, waxaa xiran dhamaan goobaha ganacsiga, dadkuna guryahooda ayay ku jiraan, waxaana waxa kaliya ee la maqlayo ay tahay guuxa Badda.

Afhayeen u hadlay AMISOM ayaa sheegay inay si buuxda ula wareegeen Baraawe, waxaana jiray iska hor imaadyo goos goos ah oo ay ciidamada kala kulamayeen intii ay ku sii dhowaanayeen magaalada.

Gudoomiyaha Shabeelaha Hoose C/qaadir Siidii ayaa sheegay in ciidamada ay ku baxeen deegaanada ku dhow dhow Baraawe, isla markaana ciidamada ay ku wajahan yihiin deegaanka Sablaale iyo Hawaay.

Baraawe oo ah degmo istiraatiiji ah waxay leedahay deked macmal ah oo caan ku ah dhoofinta dhuxusha, iyadoo Al-Shabaab oo muhiim u aheyd magaalada ay ka talinayeen muddo lix sano ah.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada