Daawo Video:- Al-Shabaab oo soo banhigtay muuqaalka weerarkii ee Xarunta UN-ka ee Muqdisho

Daawo Video:- Al-Shabaab oo soo banhigtay muuqaalka weerarkii ee Xarunta UN-ka ee Muqdisho

daajis.com:- Al-Shabaab ayaa markii u horeysay soo bandhigtay muuqaal video ah oo ka hadlaya weerarkii ay 19-kii bishii June sanadkii 2013 ay ku qaaday xarunta UNDP ee magaalada Muqdisho.

Weerarkan oo ahaa mid loo adeegsaday baabuur walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu hor qarxiyay albaabka hore ee Xarunta UNDP, iyadoo rag hubeysan oo dareys ciidan watayna ay gudaha u galeen dhismaha, iyagoo muddo ka dagaalamay.

Muuqaalka ayaa waxaa ka dhex muuqda, xoogagii fuliyay weerarkan oo tababar la siinayo, iyo dagaalka ka dhex socday gudaha xarunta UNDP.

Sidoo kale waxaa ku jira muuqaalka codka Hogaamiyihii la dilay ee Al-Shabaab Axmed Godane oo xilligaas u hambalyeynaya kooxihii fuliyay weerarka.

Garabka warbaahineed ee Al-Shabaab oo lagu magacaabo Al-Kataa’ib ayaa inta badan soo gudbiya muuqaalo la xiriira howl galada, dagaalada iyo muuqaalo kala duwan.

Filmkan oo soconaya 46 daqiiqo ayaa isugu jira labo qeyb oo English iyo Carabi ah, iyadoo tabiyeyaasha labada qeyb ee filmka ay lahajadooda Carabiga iyo English-ka ay tahay mid aad u wanaagsan.

Muuqaalkan ayaa lagu soo beegay maalinta ciidul Adxa, oo horay looga bartay Al-Shabaab, inay xilliyada ciidaha ay soo bandhigaan Filmo.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada