Daawo:- Xuseen Ceydiid oo mudo kadib soo hadlay arrimo badanna shaaciyey

Daawo:- Xuseen Ceydiid oo mudo kadib soo hadlay arrimo badanna shaaciyey

daajis.com:-Xuseen Maxamed Caydiid oo ka mid ahaa Hoggaamiye Kooxeedyadii Muqdisho, soona qabtay Wasiirkii Arrimaha Gudaha ee Dowladdii KMG ayaa mudo 6 sano ah kadib, kasoo muuqday Warbaahinta, isla markaana laga dareemayo inuu ku yimid isbadal dhinaca muuqaalka ah.

Xuseen Caydiid ayaa lagu xusuustaa hadal Taariikhda Soomaalida u galay, oo uu jeediyay xiligii uu Wasiirka arrimaha gudaha ahaa, isagoo sheegay in la baabi’iyay xuduudihii Soomaaliya iyo Itoobiya, hal baasaboorna yeelan doonaan iyo hal ciidan, hadalkaasi oo shacabka Soomaaliyeed ay ka caroodeen, kuna muujiyeen caradooda dibadbaxyo, inkastoo markii danbe uu raali gelin ka bixiyay.

sawirkani waa 2005-tii, xiligii uu Wasiirka arrimaha gudaha ahaa

Muuqaalkaan cusub Xuseen Caydiid ayaa muujinaya isbadalka dhinaca muuqaalka ah ee ku yimid, da’ahaana marka loo fiiriyo loo maleynayo 70 sano jir. Xuseen ma sheegin in uu xanuunsaday iyo in kale.

Sidoo kale Xuseen Caydiid waxay dadka Soomaaliyeed ku barteen beenta iyo sheegista wixii maskaxdiisa kusoo dhaca, isagoo muuqaalkaan ku sheegaya in Madaxweynaha Ugandha uu u yeeray si uu ugu tala bixiyo arrimaha Somalia iyo hadalo kale oo xiligan suuragal aheyn in laga hadlo.

Xuseen Caydiid oo miisaan culus ku laheyn masraxa siyaasadda oo uu ka dhacay waa hore, ayaa hadda ku sugan magaalada Kampala ee dalka Ugandha, wuxuuna ka waramay arrimaha Somalia, isagoo dhaliil u jeediyay Dowladda Somalia, maamulka Galmudug iyo in laga shaqeeyo horumarka iyo sidii Somalia u gaari laheyd nidaam dimoqraadi ah.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:44 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada