Madaxweyne Xasan oo gaaray degmada Cadale

Madaxweyne Xasan oo gaaray degmada Cadale

daajis.com:- Madaxweynaha Somalia ayaa goor dhaw gaaray  Degmada Cadalle ee Gobolka Shabellaha dhexe, halkaasi oo Todobaadkii ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay Al-Shabaab kala wareegeen, waxaana halkaas ku soo dhaweeyay Maamulka Gobolka iyo Boqolaal Shacab ah.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Shabellaha dhexe iyo dadweyne fara badan ayaa si diiran Madaxweynaha usoo dhoweeyeen, halkaasi oo uu kulamo kula qaadan doono maamulka Gobolka, kan degmada iyo qeybaha bulshada degmada Cadale.

Madaxweynaha ayaa waxaa la filayay in sidoo kale maanta uu booqdo degmada Baraawe, hase ahaatee uu dib u dhacay safarkaasi sababo aan la sheegin awgood.


Wixii warar ah ee kusoo kordha booqashada Madaxweynaha uu ku tegay Cadale wararkeena danbe kala soco.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:40 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada