daajis.com:- Munaasabad lagu maamuusayay xiriirka Talyaaniga iyo Soomaaliya ayaa lagu qabtay Caasimada dalka ee Muqdisho, halkaasoo ay bandhig faneed kusoo bandhigeen Fanniin Soomaaliyeed iyo Fannaanad u dhalatay dalka Talyaaniga.
Bandhigan oo aheyd midii ugu horeysay ee 24 sano kadib lagu qabto Muqdisho ayaa ujeedadeeduu aheyd kor u qaadista xiriirka Talyaaniga iyo Soomaaliya ayaa waxaa lagu soo bandhigay ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka Soomaaliya, sidoo kale waxaa heeso kusoo bandhigtay Fannaanad u dhalatay dalka Talyaaniga oo lagu magacaabo Monica Cerri.
Khudbad uu halkaasi ka jeediyay Wasiiru-dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya, Burci Maxamed Xamza oo sheegay isku imaatinkaani uu muujinayo ifafaalaha nabadeed ee caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, isagoo tilmaamay in Muqdisho ay dib u gocaneyso soo ceshashada ayaamihii xusuusta lahaa ee nabadda iyo is-dhex-galka bulshada .som-italy-9Danjire Nicholas Kay oo isna munaasabadda ka hadlay ayaa xusay inay ku jirto Muqdisho maalmihii degeaanshaha, isagoo yiri. “Muddo sannado ah oo aan ka howlgalayo Somalia, waa ii farxad inaan arko xaflad faneed
ay ka muuqato fanaanadda Talyaaniga ah ee Monica Cerri, waxayna bilow u tahay wanaagga cusub iyo mustaqbalka degenaashaha Soomaaliya.”som-italy-2Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya, danjire Fabrizio Marcelli oo hadal kooban ka jeediyay munaasabadda ayaa xusay in dowladdiisu ay xoojineyso xiriirka iyo iskaashiga dhinacyada badan leh ee kala dhaxeeya Somalia, wuxuuna ku daray intaas in Soomaaliya ay kasoo kabaneyso dhibaatooyinka colaadaha sokeeye iyo falalka argagaxiso ay u geysteen hannaanka dowladnimada iyo degenaashaha Soomaaliya.
Soomaaliya iyo Talyaaniga ayaa ka dhaxeeyay xiriir soo jireen ah oo ku qotoma wax wada qabsiga iyo isdhexgalka bulsho, iyadoo labada dal ay beri samaadkii is dhaafsan jireen kooxaha fannaaniinta oo midba dal kusoo bandhigi jiray hidaha iyo dhaqanka dal walbo uu lahaa.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 00:43 and have
, Published at