daajis.com:- Wafdi ballaaran oo Ra’iisul Wasaaraha Somalia hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Garowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland, waxaana garoonka diyaaraddaha kusoo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha iyo Wafdigiisa, Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas, Kuxigeenkiisa C/xakiin Camey, Wasiiro iyo Xildhibaano iyo dadweyne kale.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa booqashadani ku wehliya Guddoomiye kuxigeenka Baarlamaanka, Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, iyadoo booqashadan ay qeyb ka tahay dadaalada loogu jiro is-faham dhex mara Dowladda Federaalka iyo Maamulka Puntland.
Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa loo galbiyay xarunta Madaxtooyada Garoowe, halkaasi oo casuumaad qado ah loogu sameeyay wafdiga Ra’iisul Wasaaraha, kadibna waxaa la filayaa in ay Saxaafadda si wada jir ah ula hadlaan Labo Cabdiweli, kana warbixiyaan ujeedada socdaalka Wafdiga Dowladda ay u tageen Garoowe.
“Waxaan aaminsanahay Soomaaliya oo nabad ah, midaysan waxaa la heli karaa oo kaliya marka aan cod midaysan ku hadalno isla markaana fikradaheena iyo dadaalkeena aan ku midayno horumarinta danta qaranka. Puntland waxa ay hormuud ka tahay dadaalka federaalaynta dalka”ayuu yiri Ra” iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh.
Amaanka magaalada Garoowe ayaa aad loo adkeeyay, waxaana wadooyinka qaar la dhigay ciidamo dadka iyo gaadiidka baaraya si looga hortago halis amaan daro.
Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu wadaa in mudo maalmo ah ku sugnaadaan Garoowe, iyagoo la kulmi doona qeybaha madaxda Puntland iyo qeybaha bulshada. Waxaa sidoo kale uu madaxda Puntland kala qeyb qaadan doonaa xuska munaasabada 12 Oktoobar oo ku asteesan maalinta Calanka Soomaaliya.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 00:50 and have
, Published at