Jen. Tuuryare “Ninkii Shaqo la’aan heyso, maanta kadib Shabaab shaqo haka dhigto, hana soo sheego”

Jen. Tuuryare “Ninkii Shaqo la’aan heyso, maanta kadib Shabaab shaqo haka dhigto, hana soo sheego”

daajis.com:- Taliyaha Hey’adda Nabadusgida iyo Sirdoonka Jen, C/raxmaan Maxamed Tuuryare ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho inay la shaqeeyaan Ciidamada nabadsugida iyo Booliska.

Jen. Tuuryare ayaa sheegay in la abaal marin doono cid kasta oo soo sheegta xog ku saabsan Al-Shabaab, isagoo ugu baaqay dadka shaqo la’aanta in maanta wixii ka dambeeyay inay shaqo ka dhigtaan Al-Shabaab.

“Ninkii shaqo la’aan heyso shaqo haka dhigto Al-Shabaab, dhalinyarada kubada cagta ciyaareyso meeshii ay ku arkaan Al-Shabaab ha soo sheegaan”ayuu yiri Taliyaha Nabadsugida Jen. Tuuryare.

Waxaa uu sheegay in aysan tiro badnayn ciidamada Dowladda ee ammaanka qaabilsan, wuxuuna shacabka ku dhaqan Muqdisho ka codsaday inay gacan siiyaan ciidamada Nabad Suggida iyo Booliska ee Gobolka Banaadir.

“Ciidamada ammaanka ma taagna wado kasta, oo maanta ma lihin askar jooggi karta waddo walba, ee waa shacabka kuwo meel kasta taagan,

Waxaana la idinka rabaa inaad la shaqeysaan Ciidamada Nabad Suggida iyo Booliska”ayuu yiri Jen. Tuuryare.


Sidoo kale wuxuu ka dalbaday shacabka inay soo sheegaan ragga ay ku tuhmayaan Al-shabaab isla-markaana ay laamaha ammaanka gacanta ku soo dhigi doonaan, lana baari doono wax kasta oo uu yahayba.

Taliyaha ayaa sheegay inuu rumeysan yahay in awooda Al-Shabaab la wiiqay, isla markaana ay diyaar u yihiin in ciidamada sirta ee dowladda inay la dagaalami doonaan inta ka hartay sida uu yiri.

Hadalka Taliyaha Nabadsugida Qaranka ayaa ku soo beegmaya, iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay dhowaan la wareegeen Baraawe iyo deegaano kale oo ay Al-Shabaab ka talinayeen.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada