Somaliland:- ma gudin abaalka duuliyihii diiday duqeyntii Hargeysa…

Somaliland:- ma gudin abaalka duuliyihii diiday duqeyntii Hargeysa…

daajis.com:- Yaasiin Maxamed Cabdalla Xayeesi oo ahaa Duuliyihii ka horyimid inuu duqeeyo magaalada Hargeysa oo dhalasho ahaan uu kasoo jeedo ayaa sheegay in Maamulka Somaliland iyo shacabkooda aysan gudin abaalkii Duuliye Sare Axmed Maxamed Xasan “Axmed Dheere” taariikhdii uu ka galay Geeska Afrika, gaar ahaan Somaliland markii uu diyaaraadii uu watay uu ku dejiyay xeebta Jabuuti sanadkii 1988-kii.

Axmed Dheere ayaa diyaaraddii uu waday oo loo diray inay duqeyso Hargeysa ayaa ka doorbiday xaquusa shacabka Somaliland inuu diyaaraaddii uu waday ku dejiyo Jabuuti,  isagoo markaasina magangelyo siyaasadeed ka helay dalka luxemburg oo ilaa hadda uu ku nool yahay.

Duuliye-axmed-dheere.jpg-for-web-normalDuuliye Sare Yaasiin Xayeesi ayaa sheegay in taariikh fog uu ku leeyahay mandaqada geeska Afrika, gaar ahaan umada Soomaaliyeed, isagoo sheegay in shacabka Somaliland ay mudan yihiin in ay xusaan isla markaana loo dhiso Taalo lagu xuso, xukuumadda Somaliland looga baahan yahay in ay abaalkaasi guto.

“Waxaan dhihi lahaa Somaliland weli abaalkii ma gudin, waxaan ku baaqi lahaa dalkii hala soo dejiyo, oo qasri haloo dhiso, waxaan filayaa Xisbiga Kulmiye intii aysan qaban taladda dalka inay gudi doonaan abaalkaasi, welina ma gudin” ayuu yiri Yaasiin Xayeesi oo saaxiib dhow la ah Axmed Dheere, isagoo intaa raaciyay in Geeska Afrika uu baal dahab ah ka galay Axmed Dheere.


Dowladdii Kacaanka ee Maxamed Siyaad AUN, hoggaaminayay ayaa xasuuq ba’an ka geysatay gobolada Waqooyi ee la magac baxay Somaliland, taasoo natiijadeedu noqotay in goboladaasi u istaagaan inay ka madax bannaanaadaan gobolada Koonfur.

Axmed Dheere hadda waa da’ wuxuuna ku nool yahay dalka Luxemberg, mana jirto cid ka warqabto aqoonta iyo xirfada uu u leeyahay ciidamada cirka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:34 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada