Video Layaab leh:- Dameer la kala durjiyay misana dib laysugu soo celiyay.

Video Layaab leh:- Dameer la kala durjiyay misana dib laysugu soo celiyay.

daajis.com:- Labo Dameer oo maxabbaysan oo la kala kaxeeyay iyadoo sababtu ahayd qaylo laga muujiyay isutaggooda, ayaa dib laysugu soo celiyay Beerta Xayawaanaadka ee ku taalo dalka Poland,    Lammanahaan oo wada joogay muddo 10 sannadood ah, waxay mushkilad galeen kaddib, markii hooyooyin ay caro ka muujiyeen ilmahooda ay arkayaan argooshada dameerahaas (mating).

Sarkaalad ka tirsan Dowladda Hoose, Lydia Dudziak ayaa qaddiyaddooda qaaday, kuna qancisay Agaasimaha Beerta ku taalo Poznan in dameeraha lakala wado.

Napoleon-AntosiaBeertu waxay qiratay inay khalad samaysay, sheegtayna in dameeraha-Napoleon iyo Antosia dib hal mooro laysugu soo celiyay. “Marnaba niyaddeena ma ahaynin inaan xayawaanaadka dareensiino dhib, gedooda abuuriseed (natural behaviour) darteed” ayeey beertu hadal ay soo saartay ku tiri.

Hakashada jacaylka muddada dheer soo jiray wuxuu noqday hadalhaynta wararka Poland, dad ku dhow 7,000 ayaa waxay saxiixeen qoraal ay ku codsadeen in  2-da dameer dib la isugu keeno.


2 bog oo taageerayaashoodu ku leeyihiin facebookga, waxay soo jiiteen 10.000 likes iyo sawirro dameero argoonaayo. Barnaamijyada wararka, waxaan arrintaan wax looga weyddiiyay siyaasiyiin. Stefan Niesiolowska oo ka mid ah xisbiga dalka xukumo ee Civic Platform wuxuu yiri: Ïn xayawaanno galmo darteed loo kala xereeyo waa nacasnimo idilkeed”.


Xataa, afhayeen u hadlay xisbiga muxaafidka xisbiga sharciga iyo caddaaladda oo ay ka tirsan tahay Dudziak uma soo istaagin inuu difaaco haweenaydaas.

Muddada 10ka sannadood ah oo wada jireen Napoleon iyo Antonsia, waxay iska dhaleen 6 dhallaan ah.

Axmed Moxamed Axmed

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:37 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada