Amaro:- lama filaan ah oo lagu soo rogay Suxufiyiinta ku xiran Xabsiga Dhexe

Amaro:- lama filaan ah oo lagu soo rogay Suxufiyiinta ku xiran Xabsiga Dhexe

daajis.com:- Wasaarada Garsoorka ee Xukuumada Somaliya, ayaa waxay awaamiir ka soo saartay booqashada loogu taggo Suxufiyiinta ku xiran Xabsiga Dhexe ee Xamar.

Wasaarada Garsoorka, ayaa waxay Taliska Ciidanka Asluubta oo Maamula Xabsiga Dhexe u gudbisay qoraal, ay ku cadeyneyso inaanay Suxufiyiintu Xabsiga Dhexe ku soo booqan karin wax ka baxsan eheladooda.

Wasaarada, ayaa waxay kaloo qoraalka ku xustay in Siyaasiyiinta iyo Suxufiyiinta dooneysa inay Xabsiga Dhexe ku booqato Wariye-yaasha ku xiran, looga baahan yahay inay warqado ka soo qaataan Xeer Ilaalinta.

Tani, ayaa waxay ka dambeysay markii Siyaasiyiin iyo Suxufiyiin ay Xabsiga Dhexe ee Xamar ku booqdeen afarta Suxufi ee Dowladda u xiran, iyagoona muujiyay in xaalad adag ay ku sugan yihiin.


Siyaasiyiinta kala ah Cali Maxamed Nuux (Timajilac) iyo C/laahi Sheekh Xasan oo Axadii Xabsiga Dhexe ku booqday Suxufiyiinta, ayaa waxay walaac ka muujiyeen nolosha ay ku sugan yihiin, waxayna Warbaahinta gudaha u sheegeen in Cadaalad daro ay ku xiran yihiin.

Nabad Suggida oo ka carootay arrinta ku aadan in Siyaasiyiintu ka hadasho xariga Suxufiyiinta, ayaa waxay taasi keentay inay xabsiga u taxaabaan Siyaasiga Cali Maxamed Nuux (Timajilac), iyagoona Khamiista berrito ah ballamiyay Siyaasiga C/laahi Sheekh Xasan.

C/laahi Sheekh Xasan, ayaa qareenkiisa u sheegay haddii la xiro, in lagu xiray oo kaliya ka hadlida xaqdarada ay ku xiran yihiin, Suxufiyiinta u xiran Dowladda Federalka ee Somaliya.

Suxufiyiintaan, ayaa saddex ka mid ah waxaa Xabsiga Dhexe loo wareejiyay muddo bil laga jooggo, iyadoo midka afaraadna laba toddobaad ka hor loo wareejiyay, markii laga soo saaray Xabsiga Godka Jilacow ee Degmada Boondheere.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada