Ma Rabtaa Kaalinta 1-aad Inaad Ka Gasho Wax Barashada? TALOOYIN MUHIIM AH

Ma Rabtaa Kaalinta 1-aad Inaad Ka Gasho Wax Barashada? TALOOYIN MUHIIM AH

daajis.com:- Marka aan la hadlayno dadka wax barto. Qofkee ayaan doonayn inuu noqdo midka ugu sarreeya galaaska uu dhiganayo?. Ama guud ahaanba goobta waxbarasho ee uu dhiganayo.

Waa hubaal in qof waliba oo waxbarasho ku guda jira in uu hamminayo oo uu jeclaan lahaa in uu kaalmaha ugu sarreeya ka galo waxbarashadiisa.

Haddaba halkaan kala soco talooyin muhiim u ah sida uu ardaygu kaalmaha ugu sarreeya u gali karo waxbarashadiisa:

1) Si wanaagsan uga faa’iidayso waqtiga: waqtigu wuu koobanyahay haddaba ha iska dayicin waqtiga, waqtigu wuu xaddidanyahay micnaha maalinti waa saacado go’an oo aan yaraanayn ama aan kordhayn, haddaba iftin ayaa ku leh waxaa habboon ardaygu inuu waqtigiisa beekhaansado oo qayb uu ugu talo galo wax aqrin qaybne nasashadiisa iyo ciyaar. Laakin waxaa lagama maarmaan ah in waqtiga ciyaarta aanay saamayn waqtiga wax aqrinta.

2) Wax aqrintu hakuu noqoto wax joogta ah oo noloshaada kamid ah, laakin ma ahan in ardaygu uu wax u aqriyo sidii uu uga gudbi lahaa imtixaanka uu galayao, iyo inuu shahaado dhibca sarreeya ku qoranyihiin helo. Laakin waxaa muhiim ah in maalin waliba waxa uu soo qaato uu ardaygu aqriyo si uu ula fal-galo casharrada, si xilliga imtixaanka la gaaro iyada oo dhamaan maadooyinku u jilcisanyihiin.

3) Maadooyinka aad jeceshahay dartood ugu samir maadooyinka aadan ka helin: micnuhu waxa uu yahay ardayda intoda badan maadooyinka qaar way xiiseeyaan qaarna way necbanyihiin, marka waxaa wanaagsan si dhamaan maadooyinka oo idil uu guul uga gaaro ardaygu in maadooyinka uu jeclyahay dartood uu samir ku aqbalo aqirinta kuwa uusan ka helin ama ku adag.
4) Shaqo maanta lagaa doonayo dib ha u dhigin: ha dhihin maalinta imtixaanka la galayo ayaan wax aqrinayaa laakin waxaa qasab ah in ardaygu uu casharrada aqriyaa isla maalinta uu soo qaato.


5) Iska yaree dhafarka: sida caadiga ah qofku wuxuu u bahanyahay ugu yaraan 7 ilaa 9 saac oo hurda ah in uu heloo (24 saac kasta).

Marka aad wax aqrinaysid xulo boos ku habboon wax aqrinta, ka fogow meelaha buuqa ah, sidoo kale iska fogee waxyaabaha kale ee ku mashquulinaya, sida joornaallada iyo raadiyaasha. Sidoo kale waqtiga wax aqrinta waa in uu noqdaa xilli munaasab ah.

Haddaba booska wax aqrinta munaasabka ah waa inuu yahay sidaan:Inuu yahay mid daggan.Inuu yahay mid gaar u ah wax aqrinta.Inuu yahay mid iftiin wanaagsan leh.Inuu hawo ahaan wanaagsanyahay.Inuu yahay meel diyaarsan oo nidaamsan misana nadiif ah.Waa in uusan ahayn meel loogu tala galay jiif ama meelaha lagu nasto. Tusaale ahaan qolka fadhiga ama qolka hurdada.Waa in aysan ka ag dhawayn halka aad wax ku aqrinaysid telefishan ama wax la mid ah.

Haku qancin wax aan ahayn kaalinta 1aad.
Saaxib ka dhigo qof wanaagsan oo aqoon ahaan sarreeya, hala saaxibin dadka xun-xun.

Haku ekaan kaliya casharrada aad soo qaadatay ee waa inaad booqataa maktabadda si aad macluumaad badan u heshid.

Khaladaadki hore wax ku qaado: micnaha khaladaadki horay aad horay ula kulantay waa in aad ku dadaashaa si aanay dib kuugu soo laaban.
Samayso jadwal wax aqrineed.

Bahda iftin waa kuwo u gaar ah kaliya wacyigelinta iyo horumarinta bulshada waxa ay u taaganyihiin mar waliba in ay usoo gudbiyaan bulshadooda wax kasta oo anfacaya, isla markaane ay faa’iido ugu jirto

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada