Daawo Sawirada:- Wararkii ugu danbeeyay Dagaalkii shalay ka dhacay G/ Jubada Hoose .

Daawo Sawirada:- Wararkii ugu danbeeyay Dagaalkii shalay ka dhacay G/ Jubada Hoose .

daajis.com:- Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom iyo kuwa Maamulka Kmg ah ee Jubba ayaa waxay ku sii siqayaan Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Ciidamada, ayaa waxay saacadihii ugu dambeeyay ay la wareegeen deegaano ay ka mid yihiin Qam-qaam, Yoontoy iyo deegaano kale. Waxayna deegaanadaasi ku yaallaan inta u dhaxeyso Buulo Gaduud iyo Kamsuumo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada Huwanta, ayaa waxaa ujeedkoodu lagu sheegay mid ku wajahan Degmada Jilib, oo ay ku xoogan tahay Al Shabaab, iyadoona uu Maamulka Jubba doonaayo in uu kala wareego gacan ku haynta Jilib.

Taliyaha Ciidanka Maamulka Kmg ah ee Jubba Korneyl Aadan Maxamed Ibraahim (Aadan Koojaar), ayaa ku waramaaya inay ku taagan yihiin wadada tagta Degmada Jilib, sida uu sheegay.

Taliyaha, ayaa ku goodiyay inay mintidiinta Shabaabka ka saari doonaan Degmada Jilib, iyadoo uu Shabaabku ku eedeeyay inay dhibaato daran ku hayaan shacabka Gobolada Jubbooyinka.

Ciidamada Amisom iyo Jubba, ayaa weeraro dhaba gal ah kala kulmaaya Xoogaga Ururka Al Shabaab, kuwaa oo isku deyaaya inay difaacdaan gacan ku haynta Degmada Jilib.

Ururka Al Shabaab, ayaa Gobolada Jubbooyinka ugu dagaalamaaya si aynaan ugu dagaalameen Gobolada kale, iyadoo tanini lagu sababeeyo in Shabaabka loogu tagey dhulkii ugu dambeeyay, uguna muhiimsanaa.








FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada