Daawo Sawirada:- Qarax dad badan ay ku dhinteen oo ka dhacay dalka YEMEN.

Daawo Sawirada:- Qarax dad badan ay ku dhinteen oo ka dhacay dalka YEMEN.

daajis.com:- Ilaa 43-ruux ayaa lagu dilay weerar is qarxin ah oo maanta ka dhacay magaalada Sanca ee dalka Yemen, xilli taageerayaasha Xutiyiinta shiicada ah ay isu diyaarinayeen dibad bax ballaaran.

Qaraxa ayaa ka dhacay fagaaraha Taxriir ee magaalada Sanca, halkaasoo ay ku soo uruurayeen boqolaal ruux taageero ah ururka Xuutiyiinta.

Mid ka mid ah ciidamada Booliska oo ilaalo ka hayay agagaarka Banki ku dhow fagaaraha Taxriir aya sheegay inuu arkayay nin xiran jaakadaha qarxa oo soo dhaafay meel bar koontarool ah, kadibna uu is qarxiya.


Weerarkan ayaa ku soo aaday, iyadoo xiisado siyaasadeed uu ka jiro dalka Yemen, waxaana bishii la soo dhaafay qeybo ka mid ah magaalada Sanca qabsaday xoogaga Xuutiyiinta.

Xuutiyiinta ayaa dhowaan qaadacay magacaabida Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Yemen, waxaana ay ugu baaqeen Madaxweyne Haadi inuu is casilo.

Qaraxan ka dhacay magaalada Sanca ayaa waxaa ku dhintay dad badan oo ay ku jiraan caruur, waana qaraxii ugu qasaaraha badnaa tan iyo bishii May ee sanadkii 2012.

Dalka Yemen waxaa sanadihii la soo dhaafay ka jiray qalalaaso siyaasadeed iyo dagaalo u dhaxeeyay dowladda iyo Al-Qaacidada dalkaas saldhiga ku leh.





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:02 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada