Muqdisho oo si weyn looga xusay maalinta Calanka+Sawirro

Muqdisho oo si weyn looga xusay maalinta Calanka+Sawirro

daajis.com:- Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay ka qeybgalay munaasabad lagu xusayay maalinta calanka dalka oo ku beegan 12-kii October sanadkii 1954-tii sanad guuradii 60-aad ee ka soo wareegtay markii la sameeyay calanka , waxaana munaasabadaasi sidoo kale Madaxweynaha ku wehliyay Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, xubno ka tirsan labada gole ee dowladda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Munaasabadan oo uu soo qaban qaabiyay Maamulka Gobolka Banaadir ee degmada ayaa waxaa khudbad qiimo leh ka jeediyay Madaxweynaha Somalia iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka, iyadoo uu furay Guddoomiyaha gobolka Banaadir Jen. Muungaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gabo gabadii xafladda soo xiray ayaa ugu horeyn hambalyo u diray dhamaan Ummadda Soomaaliyeed maalinta calanka awgeed, waxaana uu intaa ku daray in qofkasta oo Soomaali ah in astaanta uu leeyahay ee lagu garanayo ay tahay calanka Soomaaliya.

“Qofkasta oo Soomaali ah astaanta uu leeyahay ee lagu garanayo marka uu caalamka meel ka mid ah joogo waa calanka Soomaaliya, mala fiirinayo gobolka uu ka yimid iyo meesha uu ka soo jeeda, calanka waa wax aan naga hareynin, waayo geesiyaasheena marka ay dhintaan calanka ayaa lagu dadaa, marka aan weyneyno calankeena” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan ayaa tilmaamay in calanka uu yahay astaanta Qaranka ee ka wada dhexeyso bulshada Soomaaliyeed.

“24 sano kaddib caawa waxaan isugu nimid weyneynta iyo qiimeynta uu leeyahay calanka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, dad badan oo Soomaali ah ayaa ka sheekeeyay dadkii u dhintay difaacidda iyo sameynta calanka, Ummaddana agtooda kuwaas sharaf ayay ka leeyihiin” ayuu Madaxweynuhu hadalkiisa ku daray.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka codsaday shacabka Soomaaliyeed in ay xoojiyaan taageerada ay u hayaan dowladda, isla markaana ay gacan ka geystaan sidii loo sixi lahaa wixii qalad ah ee dowladdu ka dhacay.calan-2

“Dhawaan markii aan degmada Baraawe socdaalka ku tegay cisbitaal ayaa ku yaalla hay’ad ayaa qalabeysay, laakiin Shabaabku intaba waa ay ka rarteeen cisbitaalka, dadkeena diif ayaa ka muuqato oo ay Shabaabku gaarsiiyeen, marka kooxahan argagixisada nabad diid waa ay dhaafeen ee waa nolol diid” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa ku booriyay howlwadeenada dhanka caafimaadka qaabilsan in cisbitaalka degmada Baraaweay u diraan shaqaale u istaaga in ay u gurmadaan dadka halkaasi ku dhaqan, isagoo xusay in shacabka ay isu gurmadaan oo ay ka qeyb qaataan “Mashruuca dhiso dalkaaga”

“Waxaan Umadda ugu baaqayaa in ay isu gurmadaan, teeda kale hala garab istaago walaalaha Soomaaliyeed ee laga xoreeyay Shabaab, SOOMAALIYA HA NOOLAATO, SOOMAALIYA HA MIDOWDO, dhamaan dadka Soomaaliyeed  astaanta ay leeyihiin waa calanka ee aan wada hiigsano oo aan isugu nimaadmo calanka balluugga ah” ayuu Madaxweyne Xasan khudbadiisa ku soo gabo gabeeyay.  











FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:41 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada