Daawo Sawirada:- Guddoomiyaha SIMHA oo lagu soo dhoweeyay Holland

Daawo Sawirada:- Guddoomiyaha SIMHA oo lagu soo dhoweeyay Holland

daajis.com:- Xaflad ballaaran oo lagu soo dhaweynayey Guddoomiyaha Dalladda Suxufiyiinta Madaxa bannaan ee SIMHA, ahna Agaasimaha Guud ee Dalsan Radio, Md. Xasan Cali Geesey ayaa xalay lagu qabtay magaalladda The Hague ee dalka Holland.

Kulankaasi oo ay ka soo qeyb galeen ku-dhawaad 40 Weriye iyo xubno ka tirsan Jaalliyadda Soomaalida ee ku dhaqan dalka Holland ayaa waxay ahayd mid si heer sare loo soo agaasimay.

C/llaahi Taajirow oo ka mid ah Suxufiyiinta Soomaalida ku dhaqan dalka Holland ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin inay soo dhaweeyeen, isla markaana ay Kulan xog-wareysi la yeeshaan Guddoomiyaha SIMHA, Md. Xasan Cali Geeseey.

C/llaahi Taajirow oo ku hadlayey magaca Suxufiyiinta Soomaalida ee ku nool dalka Netherland (Holland) ayaa xusay inay aad ugu hamuun qabeen inay la kulmaan Md. Xasan Cali Geesey, oo ay ka wareysteen xaalladda guud ee Suxufiyiinta ku nool gudaha dalka Somalia, gaar ahaan caasimadda Muqdisho.xasan-geeseey-1Guddoomiyaha SIMHA, Md. Xasan Cali Geeseey oo isagu socdaal hawleed ku jooga dalka Holland, waxa uu faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey Xaalladda guud ee Suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo qaabka adag ee ay u hawlgalaan, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay Suxufiyiinta kaalin ballaaran kaga jiraan sidii Bulshadda loo gaarsiin lahaa Xaqaa’iqda dhabta ee ka jirta gudaha Somalia.

Waxaa uu qiray inay Suxufiyiinta caqabaddo kala kulmaan gudashadda waajibaadkooda, isla markaana ay mararka qaarkood la kulmi karaan falal lagu cabsi-gelinayo.

Wariyayaashii ka qeyb galay Kulankii lagu soo dhaweynayey Guddoomiyaha Dalladda SIMHA, Md. Xasan Geeseey waxay wax ka weydiiyeen arrimo badan oo ku xiriirsan Xaalladda dhabta ee ay ku hawlgalaan Suxufiyiinta ku nool gudaha dalka Somalia iyo qaabka loo horumarin karo Saxaafadda Somalia.xasan-geeseey-2Kulankaasi waxaa kaloo ka hadashay Marwo Shamso Cabdulle Butugey oo ka tirsan Ururradda Bulshadda Rayidka ee ku dhaqan dalka Netherlands (Holland), waxayna Suxufiyiinta Soomaaliyeed uga mahadcelisay doorka ay ka qaataan Wacyi-gelinta iyo inay gudbiyaan warar xaqiiqo ah.

Guddoomiyaha Dalladda Suxufiyiinta Madaxa bannaan ee SIMHA, ahna Agaasimaha Guud ee Dalsan Radio, Md. Xasan Cali Geesey waxa uu haatan Tababar xagga Maamulka Warbaahinta u joogaa Xarunta Tababaradda ee Idaacadda Netherlands, iyadoo uu Seminaarkaasi soconayo muddo labo Toddobaad.

Tababarkaasi kadib, waxaa u qorsheysan inuu socdaal kale ku soo kala bixiyo dhowr dal oo ka tirsan Qaaradda Europe, isagoo lagu wado inuu Kulamo la soo qaato Madaxda Warbaahinadda ee dalalkaasi iyo Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ku nool dalalkaasi.

Suxufiyiin fara badan oo ka qaxday dagaalladdii ka dhacay dalka Somalia ayaa haatan ku nool Qaaradda Europe, kuwaasi oo badankooda weli faraha kula jira Mihnadda Saxaafadda, gaar ahaan iyagoo wax ku qora Shabakadaha Wararka ee u gaarka ah Soomaalida.  





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:45 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada