Dadka degmada Baraawe oo ka nastay 10 dhibaato oo ay Shabaab ku hayeen

Dadka degmada Baraawe oo ka nastay 10 dhibaato oo ay Shabaab ku hayeen

daajis.com:-  Shabaab ayaa waxa ay maamulayeen magaalada Baraawe muddo badan, Waxaana ka jiray dhibaatooyin fara badan oo ay ku hayeen shacabka degan magaaladaas Muhiimka ah ee Baraawe, Waxaa ugu weyn ee ay helaan reer baraawe manta waa in ay u socon karaan si nabad ah iyaga oo xor ah oo aan ka baqeen dil, handadaad, xarig iyo xabsi aan dib looga so noqon.

Qormadaan waxaan idinkugu soo gudbin doonaa 10 qodob oo dhibaato weyn ku haye Reer baraawe oo ay kala kulmi jireen maleeshiyaadkii shabaab ee laga saaray Baraawe.

Hortaada fiiri waa ka nasteen,
Waxaa ay fiirin jireen oo kaliya hortooda, ma awoodin in ay fiiriyaan gawaarida ay wataan horjoogayasha shabaab ajnabi ama Soomali, sidoo kale maleeshiyaadka jidka socda sidoo kale ma fiirin karin, Waxayna qaateen nidaamka la yiraahdo Hortaada fiiri si aad u badbaaddo, haddi ay fiiriyaana waxa ay la kulmi jireen ciqaab adag oo lagula fuliyo jidka isla markiiba, ama loo taxaabo xabsi aan la ogeyn xiliga uu dhamaanaayo,

Soo Baxa oo fiirsada Toogasho waa ka nasteen
Waxyaabah kale oo ay aadka uga nasteen waxaa ka mid ah soo baxa manta Waxsaa jira Toogasho jawaasiis, “waxaan dareemi jiray murugo markaan maqlo Micrifonka lagu naadinaayo galabta ha la soo baxo, Waxana iska sii ogaa in aan daawan doono dil aanan ogeyn halka lagu soo xukumay iyo waxa uu galabsaday” sidaa waxaa yiri wiil dhalinyaro ah oo degan baraawe oo magaciisa iigu sheegay maxamed yare.

Dishkaaga soo deji mana fiirsan kartid waa laga nastay
Waxaa laga mamnuucay dishashka laga fiirsado Tv-yada, Waxey muddo bandan aysan ogeyn waxa ka socda dalka iyo dibadda, taasna hadda waa ka nasteen oo ganacsiga ugu fiican hadda baraawe waa iibinta dishka, waxa sidoo kale aad u mashquulay dhallinta ku shaqaysata farsamada saaridda dishka iyo hagaajintooda.

Smart phon ma qaadin kartid Waa ka nasteen
Reer baraawe waxaa loo diiday telefonada loo yaqaano Smart phons, Waa loo diiday waana lagu adkeeyay si ka daran goob kasta oo kale oo ay shabaab xukumaan maadaama ay baraawe aheyd caasimadda Maleeshiyaadka shabaab oo inta badan ay joogeen horjoogyaal muhiim u ahaa,

Internet la’aan iyo contarool adag waa ka nasteen
Waxaa sidoo kale baraawe dib looga helay internet sida qofku uu doono u isticmaali karo, Waxaa jiray tahdiid iyo caga jugleyn joogto ah oo ay qabeen reer baraawe marka ay isku dayaan in ay isticmaalaan khadka internetka waxayna l akulmi jireen kontarool culus, taasna manta waa laga soo kabanayaa oo waxaa bilowday xiriirika ehelada iyo asxaab muddo aan isla xiriirin.

Zeko qasab ah oo aan dhamaan waa ka nasteen
Sidoo kale waxaa laga nastay Zeko aan waqti laheyn oo joogto ah iyo boob habeysan oo ay ku kici jireen maleshiyaadka shabaab ee xoogga ku heystay baraawe,


Gabdho loo guuriyo rag aysan magacooda iyo luqadooda aqoon
Waxa laga nastay sidoo kale gabdho si qasab ah loogu guuriyo dad aysan aqoon xagga dabciga, dhaqanka, luqadda oo aysan aqoon halka ay ka yimaadeen raga guursanaya, dalka ay u dhasheen, magacooda oo run ah, looma sheegi jirin gabdhahaas haddi ay baxayaan halka ay aadayaan, sidoo kale looma sheegeyn xataa haddi ay dhintaan ama ay fogaadaan,

Codkii idaacada Andulus-na waa ka nasteen
Waxay ka nasteen Reer baraawe codka idaacadda shabaab iyo wariyaashi afka adkaa ee ka hadli jiray, oo ay mar kasta ka maqli jireen colaad, takfiirin, naxaris darro hanadaaad, iyo hurinta colaado baqdin gelinaya reer baraawe oo ah dad nabadeed.

Telefonada manta waa la damiye Waa ka naasteen
Xiliyada qaar waa baraawe laga ogaan jiray in la damiye telefonada shirkada isgaarsiinta, reer baraawe ma ogeyn sababtaas, talo kuma laheyn, mana ogaan jirin xataa xiliga la soo furi doono telefonada,

Bandow ayaa magaalada ka jira lamina soo bixi karo waa ka nasteen.
Xiliyada qaar dadka degan degmada baraawe waxay la kulmi jireen bandow adag oo waqti badan socda, suuqa lama aadi karo ganacsi lama furi karo, meel kale ma loo safri karo, sababta lama oga xiliga la qaadi doona lama oga, waxay dareemi jireen wel wel culus.

Waa qayb yar oo ka mid ah dhibaatda heysatay Dadka degan degmada Baraawe oo muddo ku soo jiray gacanta adage ee shabaab.

W/Q: Maryama Saciid

Dajaso@live.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan shabakada Daajis.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:47 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada