Daawo Sawirada:- Dadkii ku dhintay qaraxii xalay Muqdisho ka dhacay Dhimashadii oo sii korortay.

Daawo Sawirada:- Dadkii ku dhintay qaraxii xalay Muqdisho ka dhacay Dhimashadii oo sii korortay.


daajis.com:- Waxaa sii kordhay qasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo xalay ka dhacay maqaaxi lagu qaxweeyo oo ku taal wadada Maka Al-Mukarama, iyadoo qaraxa uu ka dhashay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo la dhigay ilinka hore ee maqaaxida.

Maqaaxida oo lagu magacaabo Oromo Coffee ayaa ah goob ay fariistaan dhalinyarada xilliyada habeenkii iyo dadka kale, waxaana qaraxaas ka dhashay dhimasho fara badan oo soo gaartay dadkii ka qaxweynayay maqaaxida iyo shaqaalihii ka howl galayay.

Ilaa 15-ruux ayaa ku dhintay qaraxa oo ay ku jireen labo haween, sidoo kale 18-kale ayaa ku dhaawacmay, kuwaasoo dhaawacyadooda ay aad u liitaan.

Inkastoo aanay jirin cid sheegatay qaraxan ayaa hadana saraakiisha laamaha ammaanka waxay ku eedeeyeen inay ka dambeeyaan Al-Shabaab, maadaama horay looga bartay qaraxyada noocaan oo kale ah.

Maqaaxida la qarxiyay ayaa ku taal dhismo ay ka furan yihiin dukaamo ganacsi oo ay furan yihiin ilaa saqda dhexe habeenkii, waxaana dadka qasaaraha soo gaaray ku jiray dad u soo dukaameysi tagay goobaha ganacsiga ku yaalay wadada Maka Al-Mukarama.


Qaraxii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho oo aad u xooganaa ayaa noqonaya kii u horeeyay oo Muqdisho ka dhaca tan iyo markii 1-dii bishii hore ee September duqeyn diyaaradeed uu Mareykanka fuliyay lagu dilay Hogaamiyihii Al-Shabaab.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:59 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada