Daawo Sawirada:- Maxkamadda ciidamada Punland oo dil iyo xabsi ku xukuntay Lix

Daawo Sawirada:- Maxkamadda ciidamada Punland oo dil iyo xabsi ku xukuntay Lix

daajis.com:-Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa maanta xukuno isugu jira dil iyo xabsi ku riday Lix qof oo ay ku jirtay Haweeney, dhamaantoodna ku eedeysnaayeen inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab iyo falal kala duwan.


Eedeysanayaasha oo lagu kala magacaabaa Ismaaciil Cabdi qaadir Jimcaale, Daa’uud Aadan Ibraahim, Faarax Maxamad Axmad, Salmo Cali Maxamad, C/weli Cabdullaahi Cali iyo Saacid Aadan Cabdullaahi ayaa waxaa lagu soo qabqabtay howlgallo ka dhacay Boosaaso iyo deegaano kale.eedeysaneyaal-1

Maxkamadda markii ay dhegeysatay eedeynta xafiiska xeer ilaaliyaha waxay ku dhawaaqday xukun dil toogasho ah oo lagu fulinayo Ismaaciil Cabdiqaadir Jimcaale oo ku eedeysnaa in uu ka dambeeyey qarax ka dhacay Bosaso oo naftiisa ay dhaawac kasoo gaartay, Daa’uud Aadan Ibraahim ayaa sidoo kale maxkamddu ku xakuntay 5 sano oo xarig ah, waxaana ninkani ciidamadu kasoo qabteen deegaanka Sugurre.eedeysaneyaal-2

Salmo Cali Maxamad oo ah marwada Ismaaciil ee dilka lagu xakumay iyo C/weli Cabdullahi Cali iyo Faarax Maxamad Axmad, waxay maxkamaddu usoo celisay xoriyadooda kadib markii lagu waayay wax cadeymo ah, maxkamadda horteedana ka dhaarteen in aysan al-shabaab ka tirsaneyn. Waxayna Maxkamadda dib u dhigtay dacwada eedeysane Saacid Aadan Cabduullaahi.  









FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:11 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada