Muuqaal:- Waalidka Dhalay Peter Kassig Oo Fariin Codsi ah u Soo Diray khilaafada Islaamka

Muuqaal:- Waalidka Dhalay Peter Kassig Oo Fariin Codsi ah u Soo Diray khilaafada Islaamka

daajis.com:-Dhammaadka fiidiyowga, shalay ay beehiyeen khilaafada Islaamka ee muujinayay dilka Alan Henning oo u dhashay Britain, waxay ku caga-jugleysay kooxda inay dili doonaan nin kaloo reer galbeed ah, kaas oo ay ku sheegeen in lagu magacaabo Peter Kassig, oo u dhashay Mareykanka.

Aabaha dhalay ninkaasi, Ed Kissig, waxa uu dowladda Islaamka ka codsaday inay wiilkiisa u naxariistaan oo ay siidaayaan.

Britain ayaa ku dhawaaqday in dilka Alan Henning ee dowladda Islaamka inuu ahaa ficil laga argagoxo oo dareen la’aan ah.

Kassig

Ra’iisul wasaaraha Britain, David Cameron, ayaa sheegay in dowladdiisa ay adeegsan doonto wixii karaankeeda ah si loo helo dilaayaasha Mr Henning.

Maalintii Jimcaha ee Shalay, IS waxa ay baahisay fiidiyow muujinayay dilka Alan Henning oo madaxa laga jarayo, waxaana fulinayay nin wejiga duubtay oo luqaddadiisana ay ahayd British.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:55 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada