daajis.com:-Waxaa baryahaani Magaalada Muqdisho ka bilowday falal cusub oo lagu qalqal galinaayo Ammaanka Magaalada Muqdisho, taasi oo fajac galisay Bulshada Muqdisho.
Aqoonyahaanada iyo waxgaradka ku nool Magaalada Muqdisho oo falanqeynaaya Arrinta Cusub, ayaa Tilmaamaya in Maleeshiyada Alshabaab ay Muqdisho ka dhex bilaaben Barnaamij loogu magac daray ”Juudanley” kaasi oo inta badan Ujeedkiisu yahay in lagu qaso Ammaanka Muqdisho oo mudooyinkaani kasoo hagaagaya halkii uu taagnaa 23-sano ka hor.
Mukhtaar Axmed oo kamid ah aqoonyahaanada ayaa Tilmaamay in Barnaamijka cusub ee ”Hayey Juudanleyda” uu yahay mid lagu arbushaayo Ammaanka, iyadoona lagu doonayo in isu socodka bulshada uu noqdo mid ka caagan goobaha ay bulshadu ku kulmaan.
Isaga oo arrintaasi ka hadlaaya ayaa waxa uu yiri ”Alshabaab waxaa kasoo idlaaday Barnaamijkii Jihaadka iyo mashruucyadii ay Carbaha dhaqaalaha ugu cuni jireen, hadda waxa ay bilowday barnaamij carruurta iyo haweenka looga goynaayo imaanshaha suuqyada iyo goobaha bulshada waxa ayna sameysteen inkabadan 250 ruux oo qaba cuduro dawo u ah dhiiga oo Muqdisho lagu soo dhex daayay, taasina waxa ay ka damacsan yihiin inay qalqal galiyaan Ammaanka”
Haddalka Mukhtaar Axmed, ayaa waxa uu imaanayaa iyadoo inta badan Magaalada Muqdisho ay Carruurta iyo Hooyooyinka ka soomen aaditaanka goobahooda ganacsi, waxaana xiliyada qaar ay ishu qabaneysaa Carruur ama dad waaweyn ah oo sheegaya in Luuqyaha ama wadooyinka waaweyn lagu ceyrsaday.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 01:20 and have
, Published at