Odayaal la shiray R/wasaaraha oo la xiray iyo Milkiilaha Hotel… abdiweli iyo abgaal

Odayaal la shiray R/wasaaraha oo la xiray iyo Milkiilaha Hotel… abdiweli iyo abgaal

daajis.com:-  War hadda nasoo gaaray ayaa sheegaya in odayaal la kulmay ra’iisul wasaare Cabdi Weli ay jeelka dhigeen ciidamada nabadsugida qaranka Somalia.

Wararku waxa ay intaa kusii darayaan in odayaasha xiliga la qabqabanaayay ay ku sugnaayeen meel aan sidaa uga fogeyn xafiiska ra’isul wasaaraha dalka Cabdi Weli Sheekh Axmed, oo ay markaas kasoo baxeen kadib kullan ay la qaateen.

Odayaasha ayaa la sheegay inuu ra’iisul wasaare Cabdi Weli u wacay, isaga oo taageero u raadinaya is marin waaga kala dhaxeeya madaxweynaha.

Waxaa iminka odayaasha loo dhaadhiciyay dhanka xarunta nabad suggida ay ku lee dahay Villa Somalia, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo-wareed goobjoog ka ahaa dhacdada lagu xiray odayaasha.

Odayaasha jeelka la dhigay caawa ayaa la tilmaamayaa inay casho la lahaayeen ra’isul wasaaraha, hayeeshee arrintaasi ay xarig ku muteysteen.

Warar hoose ayaa sheegaya in amarka lagu xiray odayaasha uu kasoo baxay xafiiska madaxweyne Xasan Sheekh, inkasta oo aan taas la xaqiijin karin.

Dhanka kale, ciidamada nabadsuggida, ayaa waxay caawa godka jilacow ku xireen milkiilaha Hotel Maka Al-Mukarama Gurey Xaaji Xasan, waxaana la sheegay in lagu heysto, isagoo si dhow ula shaqeeya ra’iisal wasaare C/Weli Sheekh Axmed.
Sawirka: sawrkaan;- waxaa xili Ra’iisul Wasaaraha oo booqday maqaamka beesha Muddullood
Waxaa goor sii horreysay oo maanta ah hotelkaas ku kumay xildhibaano taageersan madaxweynaha.

Arrintaani ayaa ah mid ku cusub waayahaani danbe siyaasada Somalia, waxa ayna ka turjumeysaa heerka uu gaarsiisan yahay khilaafka Xasan iyo Cabdi Weli.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 12:04 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada