SAWIRO:- Xarunta Baarlamaanka Ugu Quruxda Badan Afrika oo Soomaaliya Dhowaan Laga Dhisayo

SAWIRO:- Xarunta Baarlamaanka Ugu Quruxda Badan Afrika oo Soomaaliya Dhowaan Laga Dhisayo

daajis.com:- Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan ay maanta oo axad ah ku yeesheen magaalada Muqdisho waxa ay kaga doodeen naqshada dhismaha cusub ee Baarlamaanka iyo dhismayaasha xarumaha Baarlamaanka uu ku yeelan doono gobollada dalka.

Kulankan oo ka dhacay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho waxaa shir gudoominayey Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad waxaana kasoo qeybgalay inta badan Gudoomiyeyaasha guddiyada Joogtada ah ee Baarlamaanka,furitaankii shirkana ku simaha Madaxweynaha Dalka ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu soo bandhigay naqshada dhismaha cusub ee Baarlamaanka.

Dhismahan oo ay hirgelin doonto Dowladda Imaaraadka Carabta waxaa laga dhisi doono xarunta dhismihii hore ee Baarlamaanka oo loo yaqaan Ex Parliament kuna dhow taalada Daljirka Daahsoon ee magaalada Muqdisho waxaana dhismahan uu la mid yahay dhismayaasha Baarlamaannada caalamka muuqaal ahaan iyo qeybaha uu dhismahan ka kooban yahaybo ayadoo dhismihiisana ay dhowaan Dowladda Imaaraadku si rasmi ah u bilaabi doonto.








FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada