Waa Kuwaan Cuntooyinka Daaweeya Madax Xanuunka Korna U Qaada Fahamka Maskaxda

Waa Kuwaan Cuntooyinka Daaweeya Madax Xanuunka Korna U Qaada Fahamka Maskaxda

daajis.com:- Waxa jira cuntooyin khaas ah oo dadka u noqda daawo dhaqameed, kuwaas oo lagu daaweeyo waxyaabahay ka midka yihiin madax xanuunka, cuno-xannuunka, dheelitirka hormoonada jidhka, kor-u-qaadista fahanka iyo hab-dhiska difaaca jidhka, xumada iyo qaar farxad u keena qofka cuna. Haddaba cuntooyinkan oo si cilmiyeysan iyo daraasado kala duwan lagu ogaaday faa’iidooyinkooda waxay kala yihiin sidan:

shaah

1 – Hormoonnada jidhka ku dheeli tir caleenta shaaha: Haweenka ay haystaan dhibaatooyinka hormoonada sida kuwa loo yaqaan Acne amma timaha soo saara, ayaa cilmi-baadhis lagu sameeyey caleenta shaaha lagu ogaaday inay daawo fiican u noqon karto hormoonadaas dhibtu soo gaadho. Cilmi-badhayaal Turkish ah ayaa ogaaday in cabitaanka shaaha caleentu ku badan tahay maalin kasta ay hoos-u-dhigaan xaddiga hormoonada jinsiga ee ku jira ragga amma labka jidhkooda, taasoo dumarka u noqon karta faa’iido, sababtoo ah waxay dumarka cabitaanka shaaha caleentu ku badan tahay ku badiyaan hormoonada timaha soo saara ee loo yaqaan Acne.

liin dhaanta

2 – Madax-xannuunka ku yaree liin dhanaanta: Haddii ay ku haysato dhibaato madax-xannuun badani waxad isku daydaa in aad ku joojiso liin dhanaanta, taas oo la ogaaday in ay daawo dabiiciya oo fiican u tahay madax-xannuunka badan, diirka liin-dhanaantu waa shayga sida khaaska ah la isugu raacay inuu madaxa daawo u yahay, halka khudrada la qaboojiyey ay hoos-u-dhigto garaaca. Haddaba, si aad madax-xannuunka iskaga joojiso kala goo xabad liin dhanaan ah, waxaanad labada dhinac mid ka mid ah ku cadaadisa madaxaaga xaggiisa hore ee fooda amma halka ku xannuunaysa si xannuunka kaaga joogsado.

xanjada

3- Xanjada oo la calashado: Awoodda maskaxdaada si aad u kordhiso badso calalinta xanjada Haddii aad caajis badan dareento subaxnimada hore waxad calashataaa xanjo si maskaxdaada awoodeedu u korodho. Cilmi-baadhis ay samaysay jaamacadda Coventry Univiersity ee dalka Ingiriisk ayaa lagu ogaaday in calaashiga xanjadu uu si toos ah hoos ugu dhigo caajiska iyo daalka, halka daraasado kale oo tan ka duwana soo bandhigeen in calaashiga xanjadu uu kor-u-qaado fahanka maskaxda 35%.

malabka 

4. Xumada ku daawee Malab: Xumadu waxay dadka ku haysa dhib aad u badan, sidaa darteed haddii aad doonayso inaad ka guulaysato adigoon daawo darooga ah cunin, waxa jira daawo fiican oo dabiiciya, taasoo ah malabka. Waxa la aaminsan yahay in malabku daaweeyo xumada aadka u daran, sababta oo ah shinida malabka soo saara waxa ku jira kiimiko la dagaalama xumada, inkasta oo aan wali lagu xaqiijin cilmi-baadhis cilmiya, balse dad badan baa ogaaday in isticmaalka malqacad amma qaado malab ah maalintii ay daawayn karto xumada.

5. Hab-dhiska difaaca jidhkaaga:Dad badan oo inaga mid ah waxay ka cararaan uskaga iyo bakteeriyada, iyaga oo ka cabsi qaba in ay ku bukoodaan, balse mararka qaar walxaha aan nadiifta ahayn waxay muhiim u yihiin kor-u-qaadista hab-dhiska difaaca.

Uskaga aan badnayn waxa uu fiican yahay qofka caafimaadkiisa iyo inuu iska difaaco xannuunada, cilmi-baadhisyo la sameeyeyna waxay sheegeen in bakteeriyada aan waxyeelada badan lahayn ee laga helo carrada ay caawiso hab-dhiska difaaca, kaasoo ku samaysa carrin ay ugu diyaar garoobaan cudurrada soo gala jidhka.

Xigasho.qurbo



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 12:18 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada