Daawo: Booliska Magaladda Columbus ee Mareykanka oo si xun ula dhaqmey haween Soomaaliyeed.

Daawo: Booliska Magaladda Columbus ee Mareykanka oo si xun ula dhaqmey haween Soomaaliyeed.


daajis.com:- Booliiska magaalada Columbus, Ohio ee dalkaas Mareykanka ayaa waxaa la sheegay inuu si xoog ah u kala ceyriyey haween Soomaaliyeed oo raajicis ugu jirey sidii ay u heli lahaayeen guryo kiro ah oo raqiis oo ay ku noolaadaan.

Haweenkaan Soomaalida iyo dad kale oo tiro badan ayaa waxaa la sheegay inay soo xaadireen goob ku taal magaalada Columbus, Ohio ee dalkaas Mareykanka oo la sheegay in la iska soo diiwaan galiyo si aad nasiib ugu heshid inaad ka mid noqoto dadka ku guuleystey inay helaan guryahaas kiradoodu ay tahay raqiiska, Haweenkaan Soomaalida oo maalin ka hor u soo hoydey goobtaas si ay ugu waabereystaan oo ayna noqdaan dadka ugu horeeya ayaa waxaa arintaas ay yaab ku noqtey dadka ku noolaa agagaarkaa goobtaas oo u dulqaadan waayey buuqa iyo qeylada Soomaalidaas iyo baabuurtooda taas oo keentay inay dadkaas ay ashtako ku saabsan arintaas ay u gudbiyaan booliiska iyadoona uu si dhaqso ah uu goobtaas ku soo gaarey booliiska magaaladaas oo ka dibna ku amrey haweenkaas Soomaalida inay halkaas si deg deg ah ay u faarujiyaan, iyadoona walibana uu booliisku isticmaaley sunta dadka kaga ilmeysiiso si dadkaas looga kala eryo goobtaas.



RIIX HALKAAN KADAAWO MUUQAALKA



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada