Daawo: Holland oo laga bilaabay iibinta cayayaanka la cuni karo

Daawo: Holland oo laga bilaabay iibinta cayayaanka la cuni karo

daajis.com:- Dukaanka Iibiya Raashiinka Malinlaha ee Jumbo ee Dalka Netherlands ayaa ku dhawaaqay in Badeecada uu iibiyo uu ku soo darayo Cayayaanada yar yar ee la cuni karo kuwaas oo jimcaha soo socda laga heli karo Dukaamada Jumbo ee Groningen iyo Haren.

Khamiistii shalay ayay sameeyeen tijaabo ay macaamiishooda ugu soo bandhigeen cayayaanada yar yar ee ay go,aansadeen in ay iibiyaan kuwaas oo ay ka mid yihiin tirxiga ka dhasha raashiinka qurma, mulumuliga iyo dhamaan cayayaanka yar yar ee la cuni karo.

Waxaana ay sheegeen in bilowga janaayo ee sanadka cusub ay soo dhigayaan dhamaan Dukaamadooda ku yaala Dalka Netherlands, khudaar iyo hamberger ayaa si amaan ah ugu dhex habaynaynaa ayay yiraahdeen balse cayayaanada, waana Dukaankii ugu horeeyay ee go,aansaday in uu iibiyo Cayayaanada oo meelo badan oo caalamka caadi looga cuno.



Jumbo ayaa badeecada cusub ee Cayayaanada ah ku macneeyay in ay tahay fursad hor leh oo ay ugu hortagayaan Cunto yarida Caalamka waxaana xasharaadkaan ay ku tilmaameen in ay leeyihiin Caafimaad islamarkaasna ay badel fiican u noqon karaan hilibka iyo Kalluunka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:39 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada