Daawo:- Faysal Cali Waraabe oo niyad jab ka muujiyay jiritaanka Somaliland

Daawo:- Faysal Cali Waraabe oo niyad jab ka muujiyay jiritaanka Somaliland

daajis.com:- Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa rajo beel ka muujiyay jiritaanka iyo hamiga bulshada Somaliland ay ku dooneysay in ay noqoto dal ka madax bannaan Somalia inteeda kale.

Shir Jaraa´id oo uu ku qabtay Hotelka Maansoor ee magaalada Hargeysa ayuu ku sheegay in Somaliland ay u baahan tahay badbaado qaran, iyo in loo istaago sidii loo badbaadin lahaa.

Wuxuu nasiib daro ku tilmaamay in beesha Isaaq ay isku haysato xilka Guddoomiyaha Komishanka, isla markaana ay taasi tahay mid sumcad xumo u keeneyso Somaliland.

faysal-ali-warabeMr. Waraabe ayaa wuxuu niyad jab ka muujiyay halka ay mareyso talada Somaliland, hadii aan hiil qaran loo helina ay meesha ka baxeyso halgankii ay ku doonayeen aqoonsi ay caalamka ka helaan.



`Qabiil isboobaya ayeynu nahay oo aan waxba isku ogolayn, marka dadkii reer Somaliland way isnaceen way is hariifayaan, beelihii kale ee darafyaduna way ina eegayaan oo dalkiiba inagii ayey nooga baqanayaan in aynu gacmaheena ku burburino, haddaba si arrintaasi looga baxo Madaxweynaha Waxaan ugu baaqay in uu Shir qaran uu qabto oo aynu is xisaabino oo wixii khaldan la saxo, Maanta Dalkeeni wuxu gallay Xaalad xun Xafiis Dibadeed oo inoo shaqeynayaa ma jirto.” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.


Wuxuu kaloo uu sheegay Feysal in xafiis arrimo dibadeed oo ka shaqeynayo xiriirka caalamiga in uusan jirin isla markaana lagu fashilmay dhinaca arrimaha dibada.

“Siyaasad Dibadeed ma lihin, mid dhaqaale ma lihin, mid difaac ma lihin, mid biyo ma lihin, maanta dalkeenii waa la soo toosayaa waa la qayilayaa, waana lays caayayaa, oo qabiil baa lagu noqday, qabiilna waa ka Somalia baabi´iyey, Madaxweynaha waxaan leeyahay wax dhaxal gal ku noqda ka tag nin weyn baad tahay waa lagu sharfay, ee Sharaf dalkan kaga tag marku wakhtigaagu dhamaado, laakiin sidda iminka muuqata waxa socota Fawdo, ismaqli Waa, Maamul Xumo ayaa ka socota, sharcigii oo laga talaabsaday ayaa la marayaa.”Ayuu kusoo gabagabeeyay Guddoomiyaha UCID.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:46 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada