Muungaab oo la kulmay madaxda Bisha Bas ee Turkiga: Sawirro

Muungaab oo la kulmay madaxda Bisha Bas ee Turkiga: Sawirro

daajis.com:-  Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa xalay casho sharaf u sameeyay Labo mas’uul ka tirsan Hey’adda Bisha Cas ee dalka Turkiga, kuwaasoo xilalka kula kala wareegay.

Mustafa Yilmaz oo ahaa Madaxii Hey’ada Bisha Cas dalka Turkiga u qaabilsanaa Soomaaliya ayaa xilka ku wareejiyay Madaxa cusub ee Bisha Cas Mr Cali Dugli.

Gudoomiye Muungaab ayaa uga mahad celiyay sida wanaagsan ee uu ula shaqeeyay Mas’uulkan mudadii uu xilka hayay maamulka Gobolka banaadir, waxaana uu Gudoomiyuhu gudoonsiiyay hadiyado dharka hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed ah.


Sidoo kale Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa kula dar daarmay mas’uulka cusub ee Hey’adda Bisha inuu shaqadiisa uga soo baxo si wanaagsan, isla markaana ay rajeynayaan in wada shaqeyn dhow ay la yeelan doonaan.

Hey’addaha Turkiga ayaa ka howl galayay magaalada Muqdisho tan iyo markii uu 19-kii bishii Agosto saddex sano ka hor uu Muqdisho yimid Ra’iisul Wasaarihii hore ee Turkiga Recep Tayyib Erdogan oo hada ah Madaxweynaha Turkiga, isagoo balan qaaday in Turkiga gacan weyn ka geysanayo horumarinta iyo dib u dhiska Soomaaliya.





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada