M/weynaha oo sheegay in la isku dhafi doono ciidamada gobolada

M/weynaha oo sheegay in la isku dhafi doono ciidamada gobolada

daajis.com:- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in isku dhafka ciidanka gobollada iyo kuwa Qaranka ay qeyb ka qaadaneyso dhisidda awoodda ciidanka iyo horumarinta federaalka dalka.

War-qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa looga hadlay mustaqbalka Soomaaliya iyo sida loo mideyn karo cududda ciidamada ka jira maamul goboleedyada iyo ciidanka Qaranka Soomaaliyeed.

War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in isku dhafka ciidamada ka jira maamullada dalka iyo kuwo Qaranka ay hore u dhigi karto yoolka ay dowladdu hiigsaneeyso oo ah hirgelinta nidaamka federaaliga ah.

hassan-sheikh-mohamudSidoo kale warka ayaa lagu sheegay in Qarameynta ciidamada gobollada ay sii xoojineeyso awoodda iyo cududda ciidamada, ayna soo celin doonto sharaftii iyo kartidii lagu yaqiinay ciidamadeenna.

Warka ayaa lagu xusay in shirar dhowr ah oo qaarkood ka dhaceen dalka dibaddiisa ay dhiirigelinayaan, horumarinta amaanka guud ee dalka, waxaana la tilmaamay in shirkii looga hadlayay amaanka ee ka dhacay London bishii September 2014-ka uu dhiirigelinayo horumarinta amaanka dalka.

Madaxweynaha ayaa soo hadal qaaday mudnaanta ay dowladdu siineeyso dhiirigelinta maamullada ka hanaqaadaya gobollada dalka, wuxuuna muujisay sida ay dowladda uga go’antahay hirgeilinta nidaamka fedraalka dalka.


Sidoo kale madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay in haddi la mideeyo cududda ciidamada maamullada iyo kuwa Qaranka. ay markaasi tabar iyo awoodba u yeelandoonaan xaqiijinta amaanka guud ee dalka, ayagoo guulo waaweeyn ka soo hooyndoona la dagaalanka kooxaha argagixisada ah.


Dowladda Soomaaliya ayaa wada dadaalo ay ku dooneyso inay ku mideyso ciidamada, iyadoo dhowaan wafdi heer wasiir ah oo ka socda dowladda Federaalka ay booqasho ku tageen magaalada Kismaayo, kuwaasoo heshiis ku aadan dhinaca ciidamada kala saxiixday.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:03 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada