Xog: R/W Cabdi Weli oo hal shuruud oo adag ku xiray inuu xilka iska casilo!!

Xog: R/W Cabdi Weli oo hal shuruud oo adag ku xiray inuu xilka iska casilo!!

daajis.com:- Waxaa isa soo taraya calaamadaha muujinaya in Ra’iisulwasaare C/weli Sheekh Axmed uu xilkiisa weyn doono kadib wada hadalo hoose oo maalmihii u danbeeyay socday.

Warar lagu kalsoon yahay oo aan helnay ayaa sheegaya in asbuucaan gudihiisa uu Ra’iisulwasaaraha xilkiisa weyn doono , labo wado ayuuna midkood ku weyn doonaa in xildhibaanada ay codka kalsoonida kala laabtaan ama in uu is casilaad ku dhawaaqo.

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa garab weyn ku siiyay Madaxweynaha siyaasada lagu ogoleysiiyay inuu is casilo.


Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in labo gudi oo labada dhinac ka socda ay isku afgarteen inuu qadka ka baxo Ra’iisulwasaaraha markii wax badan la is tusaaleeyay iyo heerka khilaafku uu gaaray.

Ra’iisulwasaaraha wuxuu shuruud ka dhigay sida aan xogta ku helnay in hadii uu meesha ka baxo ra’iisulwasaha cusub uusan dib u soo magacaabi karin wasiirada dhanka Madaxweynaha ka socda ee hada xilalka haya taasna waa laga aqbalay.


Shuruuda uu Ra’iisulwasaaruhu la yimid lagana aqbalay lama yaqaan sida ay uga dhabeyn doonaan xsbiga madaxweynaha iyadoo la ogyahay in Madaxweynuhu saaxiib dhow la yahay Faarax C/qaadir oo hada ah Wasiir ka ah xukuumada jirta.

Dhanka kale calaamadaha muujinaya in Ra’iisulwasaaruhu xilkiisa weynayo waxaana ka xusi karnaa isbadalka siyaasadeed ee ku yimid xildhibaanadii isaga taageersanaa kuwaasoo cadeeeyay inay joojin doonaan kulanka soo socda rabshadihii ay ka wadeen hoolka baarlamaanka,sidoo kale waxaa cadeyn u ah qeylada durba ka soo baxeysa dhanka maamulka Puntland oo xitaa wararka iyaga laga helay ay sheegayaan inay Dowlada xiririka u jari doonaan hadii Ra’iisulwasaare C/weli uu xilkiisa waayo.

Si kastaba Madaxweynaha maamulka K/galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ah garwadeenka siyaasada laga yaabo inuu xilkiisa ku waayo Ra’iisulwasaaraha ayaa shaki laga gelinayaa danta uu leeyahay iyadoo wararka ugu xoogan ay sheegayaan inuu isu diyaarinayo sidii uu madaxweyne uga noqon lahaa Dowlada la dhisi doono 2016 marka ay daaqada ka baxdo Dowlada iminka jirta.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:07 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada