Daawo:- Madaxweyna Xasan Sh oo ka hadlay shirka Copenhagen & khilaafka RW

Daawo:- Madaxweyna Xasan Sh oo ka hadlay shirka Copenhagen & khilaafka RW

daajis.com:- Shirka Hiigsiga cusub ee Soomaaliya ayaa waxaa maanta hareeyay khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, iyadoo xubnaha Beesha Caalamka ay muujiyeen wal walka ay ka qabaan xiisada siyaasadeed ee ka jirta Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibada Denmark Martin Lidegaard ayaa mowqifka bulshada Caalamka ee ku aadan khilaafka Madaxda dowladda ka hadlay, isagoo muujiyay wal walka ay ka qabaan xiisada siyaasadeed ee dalka ka jirta.

“Waxaan madaxweynaha u gudbinay wal walkeena muhiimsan ee ku aadan xiisada dowladda ka dhex taagan, waxaa ku dhiira gelinay inay raadiso midnimo iyo xasilooni siyaasadeed, iyadoo la eegayo danta umada Soomaaliyed waxaa loo baahan yahay hogaan siyaasadeed waxaa rajeyneynaa in shirkan Copenhagen uu si cad u diri doono fariinta bulshada caalamka ee gacan ka geysashada dhismaha federaal Soomaaliya oo madax banaan, dimoqraadi ah iyo fariinta kale khilaafka siyaasadeed in xal loo helo”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibada Denmark.

shir-copenhagen-3Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibada UK ayaa isna muujiyay sida ay uga wal walsan yihiin khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, isagoo ku baaqay in madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay wada shaqeeyaan inta ka harsan waqtiga dowladda si doorasho ay dalka u dhacdo.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shir jaraa’id qabtay ayaa ka hadlay wal walka Beesha Caalamka ka qabaan xiisada siyaasadeed ee ka jirta Soomaaliya, isagoo cadeeyay in kala aragti duwanaanshaha taagan in lagu kala bixi doona sida hey’adaha sharciga ee dowladda.

“Waxaa laga hadlayaa mar walba waa siyaasad waa lagu kala aragti duwanaadaa hey’adaha sharciga wali howsha gacanta ayay ku hayaan, howshana waa mid Soomaali is kaleh, Soomaali ayay u taalaa inay xalisato, Beesha Caalamka ra’yi inay na siiyaan waaye, waxaana rajeyneynaa in wada hadal, is qanci iyo dimoqraadiyad ayaa lagu kala baxayaa”ayuu yiri Madaxweynaha oo u muuqday mid ka sii madax adeegayay baaqa beesha Caalamka ee ahaa in isaga iyo Ra’iisul Wasaaraha sii wada shaqeeyaan, lana xaliyo khilaafka taagan.



Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in arrinta ka jirta Soomaaliya aanay qatar weyn aheyn, isla markaana hal qatar ay qabaan oo ah Shabaab oo ay wali dagaal kula jiraan, waxaana uu xusay in aanay habooneyn in wixii is qab qabsi lala aado dibada, balse ay u taalo hey’adaha sharciga sida Madaxtooyada, Baarlamaanka iyo Xukuumada sida uu yiri.

Shirka Hiigsiga cusub ee ka furmay magaalada Copenhagen ayaa sida la filay dowladdaha aanay u sii dirin Madax sare, balse ay wakiilo ka socdaan, sida dalalka Yurub, waxaana dalalka Afrika ka socday Wasiiro arrimo dibadeed shirka ka qeyb galay.

Maalinta berri ayaa la filayaa in shirka uu galo maalintiisa labaad, loogana hadlo aragtiyada beesha Caalamka ee ku aadan sidii Soomaaliya sanadka 2016 uga dhici laheyd doorasho xor ah, isla markaana dowladdu ay hirgeliso qorshayaasha hor yaala ka hor sanadka 2016.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:14 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada