Dhageyso:- Wasiirka Haweenka Khadiijo Diiriye oo Runta u Sheegtay Wasiirada Doonaya in ay Is Casilaan!

Dhageyso:- Wasiirka Haweenka Khadiijo Diiriye oo Runta u Sheegtay Wasiirada Doonaya in ay Is Casilaan!

daajis.com:- Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Dowlada Federaalka ee Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye, ayaa talo xumo ku tilmaamtay in qaar ka tirsan Wasiirada ay banaanka kaga andacoodaan in ay iska casilayaan xilka ay Umada u hayaan.

Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa intaasi ku dartay in iyadu aysan diyaar  u eheen in ay ka tagto shaqada ay heyso iyado taasi badalkeeda sheegtay in ay la sii shaqeyn doonto Ra’isul Wasaare Cabdiweli Sheekh.

Hadalka Wasiirka Haweenka ayaa u muuqday mid jawaab u ah hadal uu dhowaan warbaahinta siiyay Wasiirka Arimaha Dibada iyo Amniga Soomaaliya Cabdilaahi Goodax Barre oo ahaa in tiro 14 wasiir oo ka tirsan xukuumada Cabdiwali ay diyaariyeen Liis ay shaqada kaga tagayaan hadii uu Ra’isul wasaaraha diido in uu is casilo.


Halkan Ka dhageyso Codka Wasiirka Haweenka Soomaaliya Khadiijo Diiriye

xigasho:- umadanews FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:16 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada