Video Swedan:- Turjubaan Soomaaliyeed oo loo haysto Inuu Been ku turjumay kiis nin somali ah .

Video Swedan:- Turjubaan Soomaaliyeed oo loo haysto Inuu Been ku turjumay kiis nin somali ah .

daajis.com:-  Telefshinka SVT ee dalka Swedan ayaa laga sii daayay barnaamij xiiso lahaa oo lagu soo bandhigay fadeexad hareysay shirkadda baarta luuqadaha dadka soo galootiga ah ee dalalka Yurub qaarkood u isticmaalaan hubinta soogalootiga meesha uu ka yimid iyo luuqadiisa, balse xarunteeda tahay Swedan.

Barnaamijka ayaa lagu soo bandhigay turjubaan Soomaali ah oo la shaqeeya hay’adda Sprakab ee ku shaqada leh hubinta magangelyo doonta meesha uu ka yimid, wuxuuna ninkaani been ka sheegay dad fara badan oo luuqadahooda uu baaray, kuwaasi oo dabagal dheer kadib lagu ogaaday inuusan xirfada uu ku shaqeysto ka been sheego isla markaana dadkii uu baaray, cododkooda loo bandhigay aqoonyahano Soomaaliyeed oo xaqiiqda ka sheegay.


Mohamed oo ka mid ah wiilasha uu beenta ka sheegay

Turjubaankaan oo magaciisa lagu badalay erayo lasoo gaabiyay “EA20″ ayaa codadka uu baaray waxaa ka mid ahaa labo wiil oo mid ka mid ah sheegtay inuu ka yimid Kismaayo, balse ninkaani uu go’aamiyay in wiilkaasi oo lagu magacaabo Jaamac uu ka yimid Tanzania, sidoo kale wiil kale oo sheegtay inuu ka yimid Afgooye ayuu ku sheegay inuu Somaliland ka yimid, luuqada uu ku hadlayana ay tahay tan looga hadlo gobolada Waqooyi.

Telefishinka baaristaan sameeyay ayaa codka wiilkaan waxay u bandhigeen mid ka mid ah quburada afka Soomaaliga ugu caansan aduunka oo wax ka dhiga jaamacada Rome ee Talyaaniga, oo lagu magacaabo Pro. Abdalla Omar Mansuur. kadib markii uu dhagaystayna wuxuu cadeeyay in uu wiilkaan ka yimid agagaarka Kismaayo, isagoo la yaabay sida uu ninkaan luuqada baara u go’aamiyay in wiilkaan ka yimid Tanzania.

Waxaa sidoo kale barnaamijkaan lagu soo qaatay wiil Soomaaliyeed oo ka mid ah kuwii uu beenta ka sheegay, kaasoo lagu wareystay barnaamijka oo la yiraahdo Maxamed.

HALKAN KA DAAWO WARBIXIN LAGA DIYAARIYAY


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:28 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada