Daawo Sawirada:- Xildhibaano horay u taageersanaa M/weynaha oo ku biiray

Daawo Sawirada:- Xildhibaano horay u taageersanaa M/weynaha oo ku biiray

daajis.com:- Xildhibaanada baarlamaanka ee kasoo horjeeda mooshinkii dhawaan laga keenay Ra’iisul wasaaraha iyo tiro Wasiiro ah ayaa kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho, waxay ugu baaqeen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud in uu faraha kala baxo shaqada Xukuumadda si ay u gudato waajibaadka Qaran ee laga sugayo.

Kulankan ayaa sidoo kale waxaa lagu soo dhoweeyay tiro Xildhibaano ah oo horay ugu mid ahaa xildhibaanadii mooshinka ka keenay Ra’iisul wasaaraha, waxayna sheegeen in markii ay garowsadeen danta qaranka iyo dib u dhaca ku yimid shaqooyinkii Hay’addaha dowladda in ay garowsadeen oo ay isaga tanaasuleen mooshinkii ay qeybta ka ahaayeen.

Xildhibaan C/laahi Cumar Abshirow oo ku hadlay magaca Xildhibaanada ayaa sheegay markii uu arkay dhibaatada Mooshinka iyo halista uu ku yeeshay howlihii qaranka in uu go’aan saday dib inuu uga baxo mooshinkaas, wuxuuna geesta kale baaq u diray xildhibaanada weli ku adkaysanaya mooshinka ka dhanka ah Xukuumadda in ay ilaaliyaan danta qaranka isla markaana ay iskaga haraan mooshinka.

“Anigoo ah Xildhibaan C/laahi Cumar Abshirow horey uga mid ahaa xubnihii Xukuumadda Mooshinka ka keenay, markii aan arkay dhibaatada laga dhaxlay mooshinkaas aniga iyo xubno kale oo xildhibaano ah waxaan go’aan sanay inaan ka baxno, kuna soo biirno xildhibaanada walaalaheen ah ee Mooshinka kasoo horjeeday” ayuu yiri Abshirow.

Dhinaca kale, Xildhibaanka ayaa akhriyay go’aankii maanta kasoo baxay kulankii ay Xildhibaanadu yeesheen, waxana ay ku baaqeen golaha Wasiirrada in ay shaqadooda sii wataan, isla markaana ay soo dhaweynayaan fadhiyadii u danbeeyay ee goluhu yeeshay kuwaas oo lagu meel mariyay dhowr Hindise iyo miisaaniyadda Dowladda.

1. In la taageero Golaha Wasiirrada oo shaqadoodii si habsi ah u socoto, anagoo ku bogaadinaynaa go’aamada ay ku ansixiyeen labo Hindise Sharciyeed iyo Miisaaniyadda 2015 taas oo la xiriirta Hiigsiga 2016.

2.Waxaan Madaxweynaha uga digaynaa faragelinta joogta ah oo uu ku hayo golaha Xukuumadda, iyadoo markii ay diideen Baarlamaanku mooshinka sharci darrada ah uu bilaabay inuu kala qeybiyo golihii Wasiirrada taas oo keeni karta curyaamin shaqadii dowladda.

3. Waxaan taageeraynaa baaqyada Beesha Caalamka iyo go’aamadii kasoo baxay shirka Copenhagen ee ku aadan in aan waqtigaan loo baahayn in la carqaladeeyo hiigsiga 2016, looguna baaqayo hoggaanka Soomaaliyeed in ay midoobaan oo u turaan ummada Soomaaliyeed, arrintaas oo si cad u sheegaysa in Madaxweynuhu joojiyo mooshinka uu wado, kuna taageero Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumadda howsha muhiim ka ah ee ay gacanta ku hayaan.

4. Waa in la ilaaliyo midnimada Baarlamaanka, lagana hortago wixii carqaladaynaya howsha baarlamaanka oo ay ahayd in uu meel-mariyo howlaha horyaala kalfadhiga 5-aad ee ay usoo gudbiyeen golaha Wasiirrada.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:32 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada