Video:- Jilaagii Soomaaliyeed ee Captain Philips oo xabsi lagu.

Video:- Jilaagii Soomaaliyeed ee Captain Philips oo xabsi lagu.


daajis.com:- Maxkamad ku taal dalka Mareykanka ayaa xabsi labo sano iyo bar ah ku xukuntay mid ka mid ah Jilayaashii Soomaalida ee filimkii Captain Phillips, ee Maxamed Cabdi oo Soomaali ah, kadib markii lagu helay danbi ah dhibaateyn dad shacab ah.

Jilaagaan Soomaaliyeed ayaa waxaa lala xukumay laba nin oo kale oo magacyadooda lagu sheegay Maxamed iyo Xamid Xasan, kuwaasi oo bishii Maarso ee sanadkan si xun ugu dhaawaceen Koonfurta Magaalada Manchester ee Gobolka New Hampshire dad shacab ah, sidoo kale bishii Augost ayey maxkamadda sheegtay in jilaaga Maxamed Cabdi uu weeraray nin shacab ah isla magaaladaasi.

Qaadiga Maxkamada Martin Rudland, ayaa sheegay in laba sano iyo bar oo xabsi ah lagu xukumay jilaaga Soomaaliyeed, halka labada nin ee kale lagu xukumay min laba sano oo xabsi ah.



mohamed-abdiWuxuu sheegay Qaadiga Maxkamadda in uu daawaday filimka Captain Phillips, ee jilayaasha Soomaaliyeed kaalinta ka qaateen, aadna ula dhacay qaabka ay u madaalada u sameeyeen, balse wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay in jilaa film heer caalami ah sameeyay inuu xabsi mudeysto.

David Temkin, oo ah qareenka difaacayay jilaaga ayaa amaanay tababarka jilaagaan Soomaaliyeed oo uu sheegay inuu lahaa tababar mudo sagaal todobaad ah ka hor intii aan dalka Marocco lagu sameyn filmka.

Maxamed Cabdi oo 27 sano jir ah, bulshada caalamka ka helay taageero iyo magac markii uu kasoo muuqday filmka Captain Phillips.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:35 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada