Hanjabaadyo soo gaaraya qaarka mid ah xildhibaanadi diidanaa mooshinka laga keenay xukumadda

Hanjabaadyo soo gaaraya qaarka mid ah xildhibaanadi diidanaa mooshinka laga keenay xukumadda

daajis.com:- Xildhibaanada diidan mooshinka laga keenay Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Wali Sheekh Axmed Maxamed, ayaa sheegay in loo hanjabay oo xubno kale oo Baarlamaanka ka tirsan ay u hanjabeen.


Cabdi Bare Yuusuf Jabriil oo ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, gaar ahaan garabka taageersan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay inay helayaan fariimo kala duwan oo hanjabaad ah.


Waxa uu sheegay in hanjabaadaasi loo jeedinaayo aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin fekerkooda ah kasoo horjeedka mooshinka.

Xildhibaan Cabdi Barre ayaa sababta loogu hanjabay wuxuu ku sheegay inay tahay inay ka tanaasulaan fekerka ah mooshinka ay Xukuumadda ka keeneen, wuxuuna sheegay in marnaba aysan ka tanaasuli doonin fekerkaasi.

Mooshinka Xukuumada laga keenay ayaa gaaray meel aad uxun oo Xildhibaanada ay sheegaan in loo hanjabay.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada